Axmed Muumin Seed oo Garab Waddani ah ku dhawaaqay, Kashifayna Sir aanu hore uga hadal DAAWO
Hargaysa 25.October 2016 (SDN/QJ):-Guddoomiye Ku-xigeenka koowaad ee Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani Axmed Muumin Seed oo u sharraxnaa Musharrax Madaxweyne Ku-xigeen ee Xisbigaas, isla markaana sharci-darro ku tilmaamay qaabkii loo doortay Musharraxa ku-xigeenka oo Cali Cabdi loo doortay Sabtidii, ayaa sheegay inuu yahay Guddoomiyaha Garabka Toosinta iyo Caddaaladda ee Xisbiga Waddani oo ay isaga iyo Xubno kale oo ka biyo-diiday nidaamka Waddani oo hore Xisbigaas uga tirsanaa ay isugu tageen.
Axmed Muumin Seed oo hadal ka jeediyey Xaflad ay kaga dhawaaqeen Garabkaas oo ay laba toddobaad ka hor Shaaciyeen inay sameeyeen Xubno isugu jiray kuwo Waddani ka tirsan iyo kuwo Xilal ka hayey Xisbigaas oo sheegay inay saluugeen qaabka Hoggaanka Xisbigaasi wax u waday markaas oo loo diyaar-garoobayey qabashada Shirka Golaha dhexe ee Waddani oo Sabtidii lagu soo gebo-gabeeyey magaalada Hargeysa.
Waxaanu Axmed Muumin Seed sheegay in sababta Ambassador loogu raray Shirkii golaha dhexe maalintiisii saddexaad ee Musharrixiitna la dooranayey halka labadii maalmood ee hore uu ka socday Huteelka Maansoor ee isla magaalada Hargeysa, balse aanu garanayn sababta ee ay ahayd mid Guddoomiyaha iyo xubno gaar ahi qorshaysteen oo aanu isagu waxba ka ogeyn.
Axmed Muumin waxa uu sheegay in habeennimadii sabtidu soo galaysay ee Shirka golaha dhexe subaxnimada qabsoomayey in xidhiidhkoodii dhinaca Taleefanku go’ay oo uu taleefankiisa ka qaban waayey, isla markaana uu Gurigiisa ku sugnaa illaa labadee habeennimo oo ay Askartiisu markii dambe ku war-gelisay inaanu soo hoyan Guddoomiyuhu.
Haddaba, Khudbad uu arrimo badan oo kala duwan oo aanu hore uga hadal kaga hadlay Axmed Muumin Seed oo uu ka jeediyey Xaflad ay ku qabsadeen Huteelka Maansoor, waxaannu idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalkan Hoose ee Daawasho wacan oo wanaagsan:-