Madaxweyne Siilaanyo oo Dhanbaalo Tacsi ah u Diray Sadex Marxuun oo Ku Geeriyooday Dalka Gudihiisa Iyo Dibadiisa
Hargaysa 22.October 2016 (SDN/QJ):-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Silaanyo, isagoo ku hadlaya magaciisa, iyo kan shacabka Somaliland, waxa uu dhambaal tacsi ah u dirayaa, qoyskii, eheladii, qaraabadii, asxaabtii iyo Shacbiga Somaliland ee ay ka baxday ALLE ha u naxariistee Marxuuma Siraad Cali Yuusuf oo ku geeriyooday Dalka Sweden xalay oo ay taariikhdu ahayd 22/10/2016. Marxuumadu waxay door muhiima ku lahayd aas-aaskii xisbiga Kulmiye, iyadoo ka soo qayb qaadatay tartamadii xisbigu u soo maray hoggaaminta dalka kana mid ahayd haweenka uu ku dhaato xisbi xaakumku.
Madaxweynuhu waxa uu marxuumada Alle uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo, qoyskii, eheladii, qaraabadii, asxaabtii iyo shacbiga Somaliland ee ay ka baxdayna Samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.
Dhinaca Kale Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Silaanyo, isagoo ku hadlaaya magaciisa, iyo kan shacabka Somaliland, waxa uu dhambaal tacsi ah u dirayaa, waayeelka, waxgaradka, aqoonyahanka, qoyskii, eheladii, qaraabadii, asxaabtii iyo Shacbiga Somaliland ee uu ka baxay ALLE ha u naxariistee Marxuum Axmed Cabdi Dacar oo ku geeriyooday Hargeysa maanta oo jimce ah 21/10/2016.
Marxuumku waxa uu door muhiima ka soo qaatay dib u dhiskii dalka, iyo nabad kuwada noolaanshaha shacbiga Somaliland, waxanu door muhiima ku lahaa Aas-aaskii dugsiga tababarka macalimiinta ee ugu horeeyey Somaliland. waxaanu Madaxweynuhu si gaara uga tacsiyadaynayaa geerida Marxuumka Safiirka Somaliland u fadhiga Dalka Belgium oo uu walaalkii ahaa.
Madaxweynuhu waxa uu marxuumka Alle uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo, Waayeelka, Waxgaradka, aqoonyahanka, Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna Samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.
Sidoo Kale Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Silaanyo, isagoo ku hadlaya magaciisa, iyo kan shacabka Somaliland, waxa uu dhambaal tacsi ah u dirayaa, Ciidamada kala duwan ee qaranka Jamhuuriyadda Somaliland, gaar ahaan ciidamada qalabka sida, Saraakiisha kala duwan ee ciidamada dalka, waayeelka, waxgaradka, aqoonyahanka, qoyskii, eheladii, qaraabadii, asxaabtii iyo Shacbiga Somaliland ee uu ka baxay ALLE ha u naxariistee Marxuum Gashaanle sare Maxamuud Ibraahim Dhinbiil oo ku geeriyooday Hargeysa jimcihii taariikhduna ahayd 21/10/2016.
Marxuumku waxa uu muddo dheer ka tirsanaa ciidanka qaranka Somaliland isagoo ka mid ahaa saraakiishii bud-dhiga u ahaa aas-aaska ciidamada qaranka, doormuhiimana waxa uu ku lahaa hoggaaminta ciidamadii dhexda u xidhay haykalka dawladnimo iyo kala dambaynta ciidamada dalku ay maanta ku faanayaan, isagoo ahaa sarkaal waayo arag, garasho iyo xeeldheeri u dheertahay ciidanimadiisa.
Madaxweynuhu waxa uu marxuumka Alle uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo, , Ciidamada kala duwan ee qaranka Jamhuuriyadda Somaliland, gaar ahaan ciidamada qalabka sida, Saraakiisha kala duwan ee ciidamada dalka, Waayeelka, Waxgaradka, aqoonyahanka, Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna Samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.
IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN
Xuseen Aadan Cige (Deyr)
Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.