Murashixiinta Dimuquraadiga Hillary Clinton & Jamhuuriga Donald Trump ee Maraykanka oo Dooddooodii Ugu Dambeysay Yeeshay & Xiisaha Gaarka ah ee ku dheehnaa DAAWO
Washington 21.October 2016 (SDN/QJ):- Musharrixiinta xisbiyada Dimuqraaddiga iyo Jamhuuriga ee kala ah Hillary Clinton iyo Donald Trump, ayaa yeeshay dooddoodii ugu dambeysay ee ka hor doorashada madaxtinnimo ee dhici doonta 8-da November.
Waxay labada musharrax ka hadleen arrimo dhowr ah oo ay ka mid ka yihiin, ammaanka, socdaalka, dhaqaalaha iyo kuwa kale.
Trump ayaa ku xayeysiiyey guulaha ganacsigiisa isagoo sheegey in haddii uu noqdo madaxweynaha dalkan uu dhaqaalaha kordhi doono 5-6 %.
Waxa uu mar kale sheegay inuu abuuri doono warshad dhaqaale oo aanan horey loo arag. Balse ma aanu bixin wax faah faahin ah oo ku aaddan sida uu dhaqaalihiisa u shaqeyn doono.
Clinton ayaa sheegtey in qorshaheeda dhaqaale ay qeyb ka tahay in ay ku dhawaato halka lacagtu taalo. Waxa ay ballan qaaddey in ay canshuurta ku kordhin doonto dadka dhaqaalaha leh iyo shirkadaha waaweyn si loo xaqiijiyo in ay wax ka bixiyaan qeybta lagu leeyahay.
Trump ayaa dhankiisa ka fogaadey inuu ka jawaabo su’aal ku saabsaneyd haddii uu canshuuraha kordhin doono iyo hadii kale si ay dadku u helaan waxyaabaha ay xaqa u leeyihiin oo ay ka mid tahay daryeelka caafimaadka, lacagaha gabowga kuwaasoo ah meelaha ay lacagaha ugu badani ku baxaan.
Ms Clinton ayaa sheegtay in dhaqaalaha dalka ay xoojin doonto, isla markaana canshuuro ku kordhineyso shirkadaha waa weyn.
Waxaa ay ku eedeysay Donald Trump inuu taageersan yahay Ruushka oo doonaya inay gacan ku yeesho doorashada Mareykanka.
Donald Trump oo la weydiiyay su’aal ku saabsan inuu aqbali doono natiijada doorashada hadii looga guuleysto, maadaama uu ku celiyay in looga shuban doono ayuu sheegay inuu waqtigeeda arki doono.
Hadalkan ayaa shaki geliyay dimoqraadiyada Mareykanka iyo sida nabadgelyada ku jirtay ay xilalka ugu kala wareegeen madaxdii hore soo martay.
Mrs Clinton ayaa sheegtay in ay ka argagaxday in Donald Trump uu soo bandhigo fikir noocaas ah, iyadoo ku eedeysay inuu hoos u dhigay dimoqraadiyada Mareykanka.
8 bisha November ayaa lagu wadaa in dadweynaha Mareykanka ay u dareeraan doorashada Madaxtinimada dalkaas oo markii u horeysay ay u tartameyso haweeney.