|

Qalalaasaha Ka Oogan Dalka Ethiopia Burbur la Saadaalinayo iyo Saamaynta Soomaalida

Hargaysa 19.October 2016 (SDN/QJ):- Soomaalidu waxay u aragtaa cadawgeeda koowaad dalka Ethiopia. sidaas oo kale ayaa Itoobiyaankuna u arkaan soomaalida cadawgooda koowaad. nacaybka labada shacab isku hayaan ayaa ka mid noqday nolol maalmoodkooda caadiga ah. tusaale soomaalidu ruuxa ay ku tuhmayaan axmaqnimo iyo xaasidnimo waxay ugu yeedhaan ” Amxaar” sidoo kale qofka ay liidayaan waxay ugu yeedhaan ” Itoobiyaan “. in Itoobiyaan laguugu yeedho soomaaliya dhexdeeda waxay ka dhigantahay adigoo ciidda lagula simay oo bulshada ka jooga halka ugu hoosaysa.

ethiopia-oo-shaacisayMaalmihii ugu dambeeyey oo ay sii xoogaysanayeen qalalaasaha ka dhacaya gudaha Itoobiya isla markaana ay muuqanaysay inay sii xoogaysanayaan jabhadaha kacdoonka wadda ee ka soo horjeeda Ethiopia ayaa waxaa su’aala badani ka dhasheen suurtagalnimada in Ethiopia Burburto haddiise ay burburto maxaa ka dhallan kara ? Soomaalidase dani ma ugu jirtaa Burburka cadawgooda koowaad?.

Soomaali badan oo aan anigu ka mid ahay ayaa si niyada ugu farxay calaamadaha burbur ee Ethiopia ka muuqda. taasina la yaab ma leh oo amxaaradu weligeedna faragelin bay inagu hayeen. waxay hortaagnaayeen in qarankii soomaaliyeed uu dib u soo laabto. waxay soomaalida u kala qaybiyeen qabiilo iyo maamulo yaryar oo ay dusha ka maamulaan. waxay dalkan u diideen inuu helo nabad iyo xasilinoo iyo qaran taaba gala. kolkaad arrimahaas oo dhan dib u eegto saw ma mudna in jabkooda iyo burburkooda lagu farxo oo loo riyaaqo ? alleyleha haa.

images-protest_in_ethiopia_4_639x400_483504276Laakiin dhinaca kale marka aan si cilmiyeeysan u lafa-gurno waxa ka dhallanka kara burburka Ethiopia isla markiiba waxaa kuu soo baxaya arrimo welwel kugu abuuraya oo qaar kood halis gelinaya jiritaanka mustaqbalka soomaalida. bal dhawr qodob oo aan is leeyahay waa muhiim in dhug loo yeesho aan idiin soo gudbiyo :

1- Burburka Ethiopia waxaa ka dhallan kara malaayiin qaxooti ah oo xudduudaha ka soo talaaba. inagoo og in Soomaaliya xudduud balaadhan la wadaagto Ethiopia. awood ma u leenahay in qaxootigaasi faraha badan la xakameeyo oo xeryo loo sameeyo ? mase leenahay dowlad awood leh oo shaqadaa xoogga leh qabata ama ka bixi karta .? haddii jawaabtu maya tahay , shacabka soomaaliyeed ma u qaabaysan yahay inuu si wadajir ah arrintaa oga hortago oo qaxootigaa qorshe u sameeyo ?. shaki kuma jiro in aynaan awood u lahayn xalinta mushkiladan qaxootiga haddii ba ay dhacda in Ethiopia burburto. taasina haddii ay dhacdo waxa ay khatar gelinaysaa magaalooyinka soomaalida iyo dhulka soomaaliyeed.

2- in kastoo aan Ethiopia laga filayn wanaag badan oo ay soomaali u samayso, haddana maamulada soomaalida ee qabyaaladaysan iyadaa kala horjoogtay. tusaale ahaan marka ay isku dhacaan maamulka Puntland iyo Somaliland , ama Galmudug iyo Puntland waxaa xalinta khilaafkooda door muhiima ka ciyaarta Ethiopia. mararka qaarna Ethiopia waxay amaro toosa siin jirtay maamuladaas si ay colaada u joojiyaan. iyadoo maamul kasta ku amri jirtay inaanu wax talaabo ah qaadin. saw hubaal maaha in doorkeedaas la tebi doono haddii Ethiopia burburto.

3- Ethiopia waxay garab iyo gaashaan u tahay Dowlada federaalka ah ee soomaaliya iyo ciidamada Amisom. iyadoo marmarsiiyo ka dhiganaysa la dagaalanka waxay ugu yeedhaan argagixisada. dood badani kama taagna in ciidamada Ethiopia ay door weyn ka yihiin hawlgalka Amisom ee nabad ilaainta. haddii Ethiopia meesha ka baxdo. waxaa u suurtagelayso ururka Alshabaab inay gacanta ku dhigaan meelaha ay baneeyaan ciidamada Ethiopia. sidoo kale waxaa culays badan soo wajahayaa ciidamada Amisom iyo ciidamada dowlada soomaaliya oo ay soo wajahi doonaan weeraro dhinaca ka soo horjeeda uga yimaada.

Unconfirmed Gondar EthiopiaUgu dambayntii, waxaa shaki ku jirin in dhicintaanka Ethiopia ay saamayn togan iyo tabanba ku yeelan doonto shacabka soomaaliyeed.

W/Q: Siciid Cabdi Xasan

Ceerigaabo, Somaliland.

Comments are closed