|

Aragtida Xukuumadda Somaliland ee Kacdoonka dadwayne ee ka socda Dalka Ethiopia iyo saamaynta uu Somaliland ku yeelan karo

Hargaysa 18.October 2016 (SDN/QJ):- Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Guddaha Somaliland Prof: Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Fartoon), ayaa ka hadlay qalalaasaha iyo kacdoonada ka socda dalka Somaliland la jaarka ah ee Itoobiya, isagoo ka hadlay hadlay saameynta ay kacdoonadaasi ku yeelan karaan Somaliland.

 

dibadbaxayaasha-itoobiyaWasiirka Wasaaradda Arrimaha Guddaha Somaliland Prof: Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Fartoon), oo ka hadlaya Duufaanada Kacdoon ee Ka Oogan Dalka Itoobiya oo Heer kulkii u sareeyay marayay iyo Saamaynta ay Somaliland ku Yeelan karto ayaa ku halceliyey “Itoobiya waxaan ugu baaqaya in khilaafadkaas iyo burburku sababayo in laga digtoonado, dadkeenana waa inay ka feejinaadan, oo taxadir badan laga qaato, oo aanu saamayn inagu yeelan, oo dadka ka soo cararaya ee khilaafaadka ka soo baxaya ee dalka soo galaya lala socdo, in guud ahaan aynu ka taxdirno, oo aynu dalkeena ilaashano ayaan ku talin lahaa”

 

Wasiirka Arrimaha Guddaha mar aanu wax ka weydiinay Siyaasiyiinta Axsaabta iyo dhaliilaha ay isku jeediyaan ayaa ku jawaabay “Siyaasigu waxa uu Siyaasi ku yahay marka uu dalkiisa iyo dadkiisa ka hadlayo, oo aragtida uu dalkiisu ku hagaagayo uu soo bandhigo,kaas ayaa Siyaasiya,balse Siyaasi dalkiisa burburinaya Siyaasi maaha, lagumana sifeeyn karo Siyaasi, markaas waxaan Siyaasiyiinta kula talinayaa in danta dalka ka hadlaan, oo wixii dan ah ee dalku ku hagaagayo ka hadlaan, oo aanay ka hadal wax qaranka lid ku ah kana hor imanaya qaranimada dalka

Comments are closed