|

Madaxweynaha Galmudug oo Cadaado kaga Dhawaaqay War kusabsan Colaada Gaalkacyo

Cadaado 18.October 2016 (SDN/QJ):- Madaxweynaha maamulka Galmudug Cabdikariin Xuseen Guuleed ayaa  magalada cadaado kaga dhawaaqay in Galmudug iyo Puntland ay soo magacbeen gudiyo ka wada xaajoon doona xalinta dagaalkii ka dhacay galbeedka Magalada gaalkacyo ee xarunta gobolka mudug

c-kariin-guuleedQaar kamid ah gollaha wasiirada Galmudug oo uu hogaaminayay wasiirka amniga Cismaan Ciise Nuur (Taardhuleed), ayaa soo gaaray magaalada Gaalkacyo, iyagoo wada xaajood la qaadanaya masuuliyiin katirsan dowlada Puntland oo Gaalkacyo ku sugan.

Wasiirada kale ee madaxwaynaha Galmudug uu magaacabay waxaa kamid ah Wasiirka Ganacsiga Maxamed Maxamud Guure, iyo Wasiirka Dekedaha Galmudug Mudane Burhaan Warsame Cigaal.

Xaalada magaalda Gaalkacyo ayaa  dagan inkastoo wali labada ciidan ay isku horfadhiyan goobihii horay ay ku wada dagaalameen.

Comments are closed