|

Doorashada Madaxweyne iyo Ku Xigeen ee Maamul Goboleedka Cusub ee Somaliyeed ee HirShabeele oo Lagu Dhawaaqay

Jowhar 17.October 2016 (SDN/QJ):- Waxaa galabta ilaa caawa hoolka uu ka socday shirka maamul u sameynta gobolada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhaxe ka dhacday doorashada Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenka Maamulka Hirshabelle.

save_1Baarlamaanka Maamulka Hirshabelle ayaa Madaxweynaha maamulkaasi u doortay Cali Cabdulaahi Cosoble halka Madaxweyne kuxigeenka maamulkaasi isna loo doortay Gudoomiyihii hore ee gobolka Shabeelaha Dhaxe Cali Guudlaawe.

save_9Hoolka Doorashada waxaa ku sugnaa Xildhibaano katirsanaa Xukuumada Federaalka Soomaaliya ,Xubo katirsan Aqalka sare ee Baarlamaanka ,Wasiiro katirsan Xukuumada Soomaaliya, Madaxweynaha Maamulka Galmudug, Saraakiil ciidan iyo masuuliyiin kala heer duwan.

save_17Doorashada maanta ka dhacday magaalada Jowhar ayaa aheed mid taariikhi ah ay wada sugayeen dadka degan labada gobol ee maamulka loo sameenayay, Gobolada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhaxe ayaana caawa leh maamul u gaar ah oo la magac baxay Hirshabelle lana mid ah maamulada kale ee dalka ka jira.

Comments are closed