Wasiir la Filayo inuu Sahaydo Gudoomiyaha Cusub ee Xisbiga Waddani & Cukuse oo Loo Saadaalinayo inuu Ku Soo Noqdo Xilka Wasaarada Warfaafinta
Hargaysa 18.October 2016 (SDN/QJ):- Tan iyo intii Duufaanada Isbedel ay ku timid Siyaasada Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani oo Todobaad Gudihii ay ku soo biireen Laba Hormo oo ah Siyaasiyiin Miisaan Culus ku leh Saaxada Siyaasada Somaliland ayaa waxaa soo baxaya dareeno sheegaya in qadiyadani ay saamayn ku yeelanayso Tiro ka mid ah Golaha Wasiirada Somaliland Isla markaana loo arko Kuwo aan Beelaha ay ka soo Jeedaan Taageero Muuqata ka haysan.
Warar ay Shabakada Qurbejoog ka heshay Ilo Wareedyo u dhuun daloola Qasriga Madaxtooyada ayaa sheegaya in Hogaanka Xisbiga Kulmiye ay ku qanciyeen Madaxweyne Siilaanyo in Maadaama ay soo dhawdahay Xiligii Doorashada Madaxtooyadu ay Waajib tahay Sidii uu u soo dhisi lahaa Wasiiro ka turjuma Ololaha Xisbul Xaakimka Kulmiye, Isla markaana uu Madaxweynuhu ka Takhaluso Wasiirada beelahooda aan Saamaynta ku lahayn si taas badalkeeda loo geeyo Wasiiro dadku u soo joogsanayaan.
Warku Wuxuu intaas ku darayaa in Madaxweynaha uu Murashaxa Jagada Madaxweyne ee Kulmiye ka Codsaday inuu Daaqada ka Tuuro Wasiirada Wasaaradaha Qorshaynta Qaranka iyo Xannaanada Xoolaha iyagoo u Sibir Saaraya in Wasiirka Qorshaynta Qaranka Cali Salaan Jirde “Cali Shoonbe” uu Adeerkii Xildhibaan C.qaadir Xaajii Ismaaciil Jirde Noqday Gudoomiyaha Cusub ee Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani taasina ay Wiiqayso Miisaankiisii halka Sidoo Kale Wasiirka Xannaanada Xoolaha C.laahi Maxamed Daahir Cukuse lagu Sifeeyay Wasiir aan haba yaraatee Wax taageero ah ku lahayn beesha uu ka soo Jeedo hasa Yeeshee Waxay Tibaaxuhu Sheegayaan inuu Madaxweynuhu la qaatay Xil ka qaadis lagu sameeyo Wasiir Cali Shoonbe Halka Wasiir Cukuse la sheegay inuu Madaxweynuhu soo jeediyey inuu ka bedelayo oo keliya Wasaarada Xoolaha Isla markaana uu dib ugu Celinayo Wasaarada Warfaafinta Kadib Markii ay Xurguf adagi dhex martay Wasiirka Warfaafinta Mudane Cismaan C.laahi Saxardiid Caddaani iyo Wasiirka Madaxtooyada oo lagu tiriyo Raga Mindida daabkeeda haya .
Waxaa la saadalinayaa in Bedelka Wasiir Cali Shoonbe uu Buuxin doono Siyaasiga Maxamed Cismaan Caalin Tiinbaro.