|

Beel Weynta Gobolka Hawd oo Saaka Cudud Siyaasadeed oo Laxaad leh Ku Gudbinaya Fariin Ka Turjumaysa Qabashada Gudoonka Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani

Hargaysa 16.October 2016 (SDN/QJ):- Beesha Gobolka Hawd Oo Uu Horkacaayo Xildhibaan Cabdiqaadir Jirde, ayaa Maanta la Filayaa inay si Mug Leh Xisbiga WADDANI Tageeradoodi Ugu Wareejinaaya.

gobolka-hawd-iyo-taageerada-xisbiga-waddaniBeesha weyn Gobolka Hawd, oo kamid ah Beelaha ugu tariikhda dheer uguna saamaynta badan Beelaha dega Waddanka Somaliland, ayaa la sheegay inay si gunta rujis ah tageeradoodi ugu wareejin doonaan Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI .

Salaadiinta, Mujahidiinta, Abwaanada, Aqoonyahanka, Ganacsatada, Fanaaniinta iyo dhammaan qaybaha kala duwan ee Beesha Arab ayaa Saaka Si Miisaan Siyaasadeed leh Waxay Taageero Cudoon u siin doonaan Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani.

Go’aankan Siyaasadeed ayaa Waxaa Hogaaminaya Siyaasiga lagu naanayso Xundhurtii Hargaysa Xildhibaan Cabdiqaadir Xaji Ismaciil Jirde, oo ka soo jeeda qoysaskii aasaaska u dhigay Caasimadda Somaliland.

In kasta oo uu Xildhibaan Cabdiqaadir Xaji Ismaciil Jirde hore uga mid ahaa Xisbiga WADDANI, hadana waxa keentay inuu tageerada beesha Gobolka Hawd wada hantiyo, kadib markii uu Murashaxa Xisbiga WADDANI Cabdiraxmaan Maxamed Cabdiilaahi (Cirro), cadeeyay inuu jagada Guddoomiyaha uga degaayo Cabdiqaadir Jirde.

 

Xaflada ay tageeradoodii beesha Arab ugu soo wareejinaayay Xisbiga WADDANI ayaa siweyn looga dareemaya Magaalada Hargaysa.

 

Beeshan oo kamid ah Beelihii doorka lama ilaawanka ah ka soo qaatay halgankii dalka xorriyadiisa lagu soo celiyay, ahna beel saamayn ballaadhan ku leh Jamhuuriyadda Somaliland ayaa hore waxay isu garab taageen Xisbiga KULMIYE oo beeshu tageeri jirtay, Iyadoo Ifafaalaha Muuqdaa Muujinayo in Beeshani ku Hungowday Xisbul Xaakimka iyo Sababta Kale oo Salka ku Haysa Kadib Markii ay Xisbiga Waddani ka heleen Cad Siyaasadeed oo Dhumuc leh kaas oo ah in Si bilaa Shuruud ah loogu Wareejinayo Gudoomiyaha Xisbiga Waddani.

Comments are closed