|

“Itoobiya waa in Talaabo adag laga qaadaa” Hay’adda xuquuqda aadanaha ee Human Rights Watch

Addis Ababa 15.October 2016 (SDN/QJ):-Hay’adda xuquuqda aadanaha ee Human Rights Watch ayaa kulankii guddi hoosaadka Midowga Yurub ee xuquuqda aadanaha waxay Midowga Yurub iyo beesha caalamka ugu baaqday inay tallaabo xoogan ka qaadaan Ethiopia.

Kooxaha caalamiga ah ee Xuquuqda Aadanaha ayaa ku warramaya in beesha caalamka ay dhinaca kale uga jeestaan marka ay timaado xadgudubyada xuquuqda aadanaha iyo caburinta xoriyadda hadalka ee Ethiopia.

human-rights-watchCilmi baadhe sare ee , Felix Horne ayaa sheegay inuu aaminsanyahay inay jirto rabitaan la’aan ah in wax laga qabto arrimaha Ethiopia sababo la xidhiidha xidhiidhka xooggan ee dowladda dalkaas ay la leedahay beesha caalamka.

Dalka Ethiopia ayaa waxaa dhowaanahan ka socda dibadbaxyo lagu dalbanayo xorriyad siyaasadeed oo ballaadhan, taasi oo keentay in dowladda ay soo rogto xaalad deg deg ah markii ugu horreysay muddo 25 sano ka badan.

Comments are closed