”“Taariikhda Siyaasiga ah ee Caalamka Weli kama ay dhicin Dhawr iyo Toban Wasiir oo Madaxweynahoodii Magacaabay Khaayinnimo Ku sameeyey oo la arkay” Maxamed Kaahin Axmed & Falaadh Ku Noqotay DAAWO
Hargaysa 14.October 2016 (SDN/QJ):- Guddoomiye-ku-xigeenka koowaad ee xisbiga KULMIYE, ahna ku-simaha guddoomiyaha Md. Maxamed Kaahin Axmed, oo Shalay ka hadlayay Qaabilaada Taageerayaal ku soo Biiray ayaa Waxa uu jawaab u diray xubnihii Isbahaysiga Kulmiye ee dhawaan ku biiray xisbiga WADDANI, waxaanu sheegay inaan daacadnimadii ay sheeganeyeen iyo khiyaanadii ay sameeyeen wax isqabanaya ahayn.
Waxaanu yidhi, “Taariikhda siyaasiga ah ee caalamka weli kama ay dhicin dhawr iyo toban wasiir oo madaxweynahoodii magacaabay khaayinnimo ku sameeyey oo la arkay iyaga oo toorrida dhabarka kala dhacaya, dadkana waxaan u sheegayaa inay taariikhda ugub ku tahay waxay qoladaasi sameeyeen, qolada kale ee ay u tageenna waxaynu leenahay Ilaahay beerkiina burcad ha isu mariyo, laakiin daacadnimada iyo khaayinimadu meel ma wada galaan.
Maalintii 12 wasiir ay meesha ka dhaqaaqeen ku talogalkoodu waxa uu ahaa KULMIYE wuu burburayaa, Axmed Siilaanyo xukuumaddiisuna way burburaysaa, KULMIYE oo ka mid ah xisbiyadii dalka ugu horreeyey oo soo gaamuray oo dad badan oo halgamaa ahi ku jiraan gudo iyo dibadba oo isagana sida uu dhidban yahay aanay koox yari lii-liijin karin, labadaas mid walba way ku khasaareen,” ayuu yidhi Guddoomiye Maxamed Kaahin.