Xildhibaan James Carver oo ka tirsan Barlamaanka EU oo Arrimo la Yaableh Suuqa Hargaysa Ku Arkay DAAWO
Hargaysa 14.October 2016 (SDN/QJ):- Xildhibaan James Carver oo ka tirsan Barlamaanka EU, kana soo jeeda dalka UK oo Booqosho ku tegey Suuqa Sarifka iyo Dahabka ee badhtamaha Caasimadda Hargaysa. Xildhibaanku Wuxuu la yaabay nabadgelyada ay ku naaloonayso Jamhuuriyadda Somaliland.
Wuxuu si niyad ah u yidhi, dalkayga UK suurta gal maaha in lacag iyo dahab ay bannaanka sidaa u wadhnaadaan. Marwo Faadumo Siciid Yuusuf oo hor kacaysay Xildhibaanka ayaa si Qurux badan ugu sharaxday nabadgelyada Rabi ku manaystay dalkan. Xildhibaan James Carver ayaa si weyn ugu Ololeeya Qadiyadda Madax banaanida Somaliland.