Wasiirka Arrimaha Dibadda Kenya Oo Su’aalo Adag Laga Weydiiyey Musuq Maasuqa Ragaadiyay Dalkaasi DAAWO
Nairobi 14.October 2016 (SDN/QJ):- Wasiirada Arrimaha Dibada ee dalka Kenya Amina Maxamed oo wareysi siisay Barnaamijka Upfront ee Telefishinka Aljazeera ayaa su’aalo adag laga weydiiyey musuq maasuqa la degay dalka Kenya.
Amina ayaa sheegtay in dowladooda ay wado isbedalo badan oo wax looga qabanayo musuq maasuqa ka jira wadanka Kenya, balse dhinaca kale qirashada ah in musuq maasuq uu jiro ay wadamada kale u adeegsadaan cambaareynta Kenya.
Wasiirada ayaa beenisay in lacag gaareysa 2 Bilyan oo dollarka Maraykanka ah si musuq maasuq ah looga saaray khasanadaha dowlada Kenya sanadihii lasoo dhaafay.
Amina Maxamed ayaa sheegtay in xukuumada hada xilka heysa ay dadaal badan wado, waxayna beenisay in Xukuumada Uhuru Kenyatta ay tahay dowladii ugu musuq maasuqa badneyd taariikhda wadanka Kenya