|

“Wadnuhu Wuxuu Ku Shaqeeyaa Tuumbooyin, Kelyihiina Way Istaageen..” Warbixin Naxdin Leh

Ceerigaabo 14, Oktoobar, 2016 (SDN/QJ):- Kelyaha oo ah Xubnaha Bini’aadam kasta ka saara Qashinka Jidhkiisa ku jira Waxaa ay joojiyeen gabi ahaanba shaqadii ay Jidhka u qaban jireen, Kaadidda Qof bini’aadamka ah dibadda uga soo baxdaa isaga waxaa ay ku noqotaa Guddihiisa, Ma kaco oo cagihiisa waxba kuma doonto, Waa dhul jiif, mararka qaarna ma yaqaano meel uu joogo If Iyo Aakhiro oo waxaa uu leeyahay xanuunka Suuxdinta

war-bixintaSanaddo ka hor waxaa la dhacay Gaadhi kaasi oo sababay in wadnaha jug kasoo gaadho islamarkaana qaliin lagu sameeyo, taasi oo sababtay in jidhkiisa lagu rakibo tuumbooyin jidhka u qaybiya Dhiigga, ma awoodo waxaa uu qabsado oo jidhkiisa waxaa ka muuqda barar xoogan.

Toddobaad kasta oo yimaadda waxaa uu qaataa dhiig cusub, lamana yaqaano meesha uu maray dhiiggii hore ee lagu shubay Toddobaadkii tagay.

Jaamac Xasan Aadan Garaase waa Bukaan dhul yaala oo ku nool Magaalada Ceerigaabo ee Gobolka Sanaag,  waxaa uu xanuunno badan u jiifaa muddooyin sanado ah, kaasi oo dhakhaatiirta Somaliland u sheegeen inaan xanuunkii dalka gudihiisa waxba lagaga qaban Karin islamarkaana loo baahan yahay in dalka dibaddiisa loo qaado si xaaladdiisa caafimaad loola tacaalo.

“Jaamac Muddo badan ayuu jiifaa, Labada kalyoodba way taagan yihiin (Shaqadii ayay joojiyeen), Wadnaha hore ayaa loo qalay oo waxaa ku jira Tuumbooyin, Macaan ayuu qabey, indhihii iyo Araggii saameeyay, Kaadi ka imanaysaa ma jirto oo jidhkiisa ayay dib ugu noqonaysaa.”ayuu yidhi Cali Xaaji oo ka  mid ah Guddida Taakulada ee magaalada Ceerigaabo oo xaaladda Jaamac Xasan Aadan ka warbixiyay mar uu ku booqday gurigiisa.

Jaamac Xasan Aadan Garaase, oo xaalad caafimaad daro oo liidataa la soo daristay wuxuu shacabka Somaliland iyo ummada muslimka ah waydiisanayaa caawimo lagu qaado, oo lagu geeyo dalka dibaddiisa si xaaladdiisa caafimaad loo badbaadiyo.

Lacagta lagu gaynayo Bukaanka ayaa waxaa ay Guddida Tabaruucaadka ee Magaalada Ceerigaabo ku sheegeen inay tahay 30,000 oo doolarka Maraykan ah.

Waxaanad Lacagtaasi ugu Diri Kartaa Numbarada kala 0634202021 Ama 090-7722355.

Ilaahay Dartii u Caawi Walaalkaa Jaamac oo Xanuuno Badani isku Biireen oo Caawimo ku Waydiistay.

Comments are closed