|

Laydhkii La Damiyey Ciyaartii Venezuela – Brazil Iyo Kacdoonkii Taageerayaasha

Hargaysa 14.October 2016 (SDN/QJ):- Laydhka oo bakhtiyey ayaa hakad galiyey ciyaartii isreeb-reebka koobka adduunka ku tirsanayd ee u dhaxaysay xulalka Venezuela iyo Brazil taas oo ka dhacday magaalada waddanka Venezuela ku taalla ee Merida habeenimadii Salaasada.

Xulka qaranka Brazil ayaa ciyaarta ku hogaaminayay 2-0 markii khashaafadihii garroonku si kedis ah ay u dameen, garroonkuna uu isu rogay madow daqiiqadii 72 aad ee ciyaarta.

Ciyaarta ayaa taagnayd muddo 22 daqiiqo ah ilaa qaar ka mid ah laambadihii ifinayay geggida qaarkood dib u siraadmayeen.

Intii uu garroonku madoobaa, qaar ka mid ah taageerayaasha xulka Venezuela ayaa ku qaylinayay weedho ka dhan ay xukuumadda waddanka, kuna baaqayay in cod bixin deg-deg ah laga qabto dalka.

Masuuliyiinta waddanka Ayaan ilaa iyo wakhti xaadirkan wax war ah ka soo saarin sababtii dhalisay ama ka dambeysay inay bakhtiyaan khashaafadaha geggida Metropolitan Stadium ee magaalada Merida.

Horraantii sanadkan, guud ahaan waddanka Venezuela ayaa waxaa soo food saartay nal la’aan (laydhka oo xilliyada qaar bakhtiya ) kadib markii abbaar daran oo waddanka ku dhufatay ay saamayn baaxad leh ku yeelatay wershidihii dabka dhalinayay ee dalka oo intooda badani ay ku shaqeeyaan awooda ama tamarta biyaha.

Comments are closed