Cunista Badan Ee Baradhada Oo La Ogaaday In Ay Sababto Xanuunka Dhiig-Karka
Hargaysa 14.October 2016 (SDN/QJ):- Daraasadd cusub oo dhawaan laga soo saaray dalka Maraykanka ayaa waxa lagu cadeeyay in cunista badan ee Baradhadu ay keento Dhiig-karka, cudurka Dhiig-karka ayaa sanad walba ay u dhintaan Malaayiin ka mida dadka dunida ku nool.
Waxa kale o ay daraasaddani cadaysay in cunista baradhada in ka badan afar jeer toddobaadkii ay sababi karto in dhiiga qofku kor u kaco, islamarkaana waxa uu qofkaasi halis u noqonayaa inuu ku dhaco Dhiig-karku.
Daraasaddan oo ay soo bandhigtay “Biritish Medical Journal” ayaa waxa lagu cadeeyay in Baradhadu ay ka mid tahay cuntooyinka ugu waaweyn ee sababa Dhiig-karta, arrintan ayaa ah arrin ku cusub dadka ku nool Adduunka iyada oo baradhada laga aaminsanaa inay kor u qaado macaanka jidhka qofka, balse khubarada sameeyay cilmi-baadhistan ayaa iyagu xaqiijiyay In cunista badan ee Baradhadu ay sababi karto Dhiig kar hor leh iyo sidoo kale xanuuno la xidhiidha wadnaha qofka, waxaanay uga digeen dadka aadka u cuna Baradhada inay toddobaadkii ugu badnaan laba jeer cunaan oo aanay ka badin si aanay ula kulmin cudurkaa halista ah ee Dhiig-karka.