“Waxana aynu ognahay In Xubnihii Ku Biiray Waddani ay isku dayeen inqilaab dhicisoobay,Maantana Rag Xisbiga Kulmiye & Xukuumadda wax ka sheegi kara ma ah.” Afhayeenka Kulmiye DAAWO
Hargaysa 13.October 2016 (SDN/QJ):-Hoggaanka xisbul-xaakimka KULMIYE, ayaa soo dhaweeyey aqoonyahanno iyo siyaasiyiin miisaan leh oo kusoo biiray, xisbiga KULMIYE, kuwaas oo kasoo jeeda deegaannada Go’da weyn iyo Cadaadley.
Afhayeenka xisbiga KULMIYE, Md. Xasan Maxamed Cali(gaafaadhi) oo ugu horrayn halkaas ka hadlay, ayaa soo dhaweeyey xubnaha cusub ee xisbiga kusoo biiray, waxana uu hoosta ka xarriiqay inay yimaadeen madal loo siman yahay oo aragtidooda six or ah uga dhiiban doonaan.
Afhayeen Gaafaadhi waxa uu aad u dhaliilay xubnihii is-baysiga la baxay ee xukuumadda iska casilay, dhawaanna ku biiray xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI, waxana uu sheegay inay ahaayeen shakhsiyaad ka faa’iiday xisbiga KULMIYE, markii dambena inqilaab dhicisoobay isku dayey,“Qolyihii xisbiga iyo xukuumadaba kamidka ahaan jirey ee dhawaan tegay waxan leeyahay marka hore waanu idin sagootinaynaa, halka aad tagteenna waxa aad ku biirisaan waa la arki doonaa, waxanse isleeyahay raggaasi waa raggii xisiga KULMIYE kuraastiisa ku fadhiyey ee ku liibaanay, madaxdana inoo ahaa lixda sanadood, sida ay ku tageenne waxa ay ahayd si milgihii lagu doortay aad uga duwan, waxana aynu ognahay inay isku dayeen inqilaab dhicisoobay, runtiina inqilaab dhicisoobay buu ahaa, maantana rag xisbiga KULMIYE iyo xukuumadda wax ka sheegi kara ma ah.” Ayuu yidhi afhayeen Gaafaadhi.