Xisbiga WADDANI Oo Markii ugu Horreysay Ka Haddlay Koox Ka Goosatay Xisbigaasin Oo La Magac Baxday Garabka Toosinta Xisbiga WADDANI DAAWO
Hargaysa 13.October 2016 (SDN/QJ):-Xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI ayaa markii ugu horraysa ka haddlay masuuliyiin ka falaagoobay Xisbigaas oo la baxay garabka Toosinta Xisbiga WADDANI,kuwaas oo qaadacay ka qayb-gal shirka fooda inagu soo haya ee golaha dhexe ee Xisbiga WADDANI,isla markaana ugu baaqay ergooyin ka soo qayb-gelayaa shirkaas in ay qaadacaan oo aanay ka soo qayb-gelay.
Afhayeenka Xisbiga WADDANI oo ka haddlay kooxdaas ka,isagoo xusay in uu xisbigu arimihiisa xalin-doono lana soo afjarin doono khilaafkaasi “Horta waxa weeyaan waa dimuqraadiyad,Xisbiga WADDANI waa Xisbiga ugu ballaadhan asxaabta qaranka Jamhuuriyada Somaliland ka jirta,dadkuna wax waa isku qoonsankaraa waana is qaban karaan,waxaan’se aaminsanahay rumaysanahayna,in aanu waxaa anagu gudahayaga dhammaysanayno,oo aanay noqonay wax fida,culays siyaasadeedna xisbiga ku keena,ama kala jajabiya,ama wax-yaabo noocaas ah abuuri karra,waxaanu aaminsanahay anagu xisnbi ahaan,dadkan xisbiga ku jira ama aasa-sayaasha ahaa ama xubnaha aad iminkaba ii sheegayso,xubno ku qaali ah xisbiga in ay yihiin,ixtiraam iyo qadarin-badana aanu u hayno,isla markaan aanu ognahay ama aanu rumaysanahay in maalin-dhaw isha allah aanu soo afjari-doono,oo uu xisbigu mid-nimadiisi iyo isku duub-naantiisi xubnahaas uu-la soo noqon-doonaan”ayuu yidhi Ibraahin Mahdi Buubaa.
Geesta kalena Afhayeenka Xisbiga WADDANI ayaa fariin u diray bulshada reer Somaliland iyo taageerayaasha Xisbiga WADDANI,isagoo ugu baaqay xubna xisbiga WADDANI in ay ixtiraamaan xeerka xisbiga “Bulsha weynta reer Somaliland ama taageerayaasha Xisbiga WADDANI ee daafaha dunada iyo dalka gudihiisa jooga-ba,waxaan u sheegaynaa in uu xisbigu yahay xisbi dimuqraadi ah,isla markaana afkaarta dadka xisbiga ku-wada-jiraa ay kala duwanaan karto mararka qaarkood,in la isu soo jiid-jiido oo sida xeerarkeenu dhigayaan la raaco oo la ixtiraamo qawaaniinteena ayaanu u soo jeedinaynaa,isla markaana waxaanu u soo jeedinaynaa taageerayaash Xisbiga bari iyo galbeed-ba in aanay u fahmi ama u qaadan in ay arintani tahay,arin laf-jab ku ah xisbiga ama ku ah-ba.”Ayuu yidhi Ibaraahin Buubaa.