‘’Somaliland Waxay Awood Buuxda u Leedahay Maamulka Hawadeeda,Waxaan u Digayaa Somalia’’ Wasiirka Duulista oo ka hadlay in Wasiirka Madaxtooyadu Maamulo DAAWO
Hargaysa 13.October 2016 (SDN/QJ):-Wasiirka Wasaaradda Duulista Hawada iyo Gaadiidka Cirka Mudane Farxaan Aadan Haybe oo Shir Jaraa’id Ku Qabtay Xafiiskiisa ayaa Sheegay in Somaliland awood buuxda u leedahay Maamulka Hawadeeda Isagoo Dawlada Somaliyana uga Digay inay Maroorsato Heshiisyadii ay labada dal wada gaadheen.
Wasiiraka Duulista iyo hawda oo ay warbaahintu wax ka waydiisay faragelin ay Somalia ku hayso hawda Somaliland ayaa waxa uu sheegay inay halgan badan u galeen hawada Somaliland waxaanu yidhi: “dawlada Somalia waxaan wada leenahay iyo waxaan kala suntanayba way jiraan oo in laga wada hadlo u baahan wax jiray shirar hore oo Aduun waynuhu nagu dhex dhexaadinaayay sida kii Istanbul 1 oo heer Madaxwayne ahaa Istanbul 2 iyo istanbl 3 ayaa jiray mar walbana Dawlada Somaliland waxay ku doodaysaa waar wixii aan wada leenahay ka wada hadalo wixii kale ee heer caalami ahna aan si kumeel gaadha uga wada shaqayno.”
“waxaanan isleeyahay maroorsina ku suuro geli mayso oo awood uma laha cidbaana inoo dhaxaysa cidaasi hadii ay dhex dhexaadnimada ka baxdo Somaliland waxay awood u leedahay inay nidaamkeeda dhamaystirato oo ay hawdeeda maamulato Diyaarad kasta oo hawda Somaliland soo gashana ay la xisaabtamto. Somaliland 2017 – 2018 in dhamaystirato qalab ay hawdeeda ku maamulayso qorshaha ayuu ku jiraa oo aanay cidna isu daba taagayn, awoodaana waanu leenahay laakiin waxaan ixtiraamaynaa Hayada nagu dhex jira sida ICAO.