|

Xukuumadda Oo Ka Hadashay Shir Puntland Ugu Baaqday Dadka Gobollada Sool, Sanaag-bari & Buuhoodle Ee Somaliland

Hargaysa 13.October 2016 (SDN/QJ):-Wasiirka Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda Cali Jaamac Faarax (Buureed) oo Shalay Saxaafaddu waydiisay waxay Xukuumadda Somaliland kala socoto Shir Maamulka Puntland iskugu yeedhay Dadka ku dhaqan Sool, Sanaag-bari iyo Buuhoodle oo ay aaminsan yihiin inay Puntland ka tirsan yihiin, ayaa sheegay in Baaqa Puntland yahay mid aan waxba ka beddelayn Xaaladda Dadka ku dhaqan Gobollada bariga Somaliland, maaddaama buu yidhi Dadka deegaannadaa ku dhaqani yihiin reer Somaliland, “Dadka ay Puntland shirka ugu baaqday halkay joogaan, dadkiiba Somaliland ayay wada joogaan oo ay shirar ku leeyihiin, oo ay maamulka soo wada gelayaan.”ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray, “Baaqa Puntland weligiiba wuu jiray oo wax imika bilaabmay  maaha”

 

cali-jaamac-faarax-buureedWasiirku waxa kale oo uu ka hadlay xaaladda guud ee deegaannada bariga Somaliland, “Xaaladda  degaanku hadda way iska deggan tahay, abaar ayuun baa  jirta oo aan ogahay, laakiin Cid wax baanu ka soo hor jeednaa tidhi maan maqal,  balse waddanku wuu iska deggan yahay, waa nabad oo dhibaato kama jirto.”

Comments are closed