Dhacdo La Yaab Leh oo Soo Jiidatay Warbaahinta Reer Galbeedka oo Ku Saabsan Gabadh 13 Jir Ah Oo Cunto La’aan U Geeriyootay 68 Maalmood Ka Dib
Hargaysa 13.October 2016 (SDN/QJ):-Gabadh yar oo da’deedu tahay13 jir oo u dhalatay dalka Hindiya ayaa geeriyootay kadib markii ay cunto la’aan ku joogtay muddo dhan 68 maalmood.
Gabadhan yar oo magaceeda la odhan jiray Aradna Samdariya ayaa waxay ku noolayd gobolka Haydar Abaad ee dalkaasi Hindiya, waxa aanay ku noolayd guriga waalidkeeda, ciidamada dalka Hindiya ayaa sheegay inay baadhayaan sababta keentay inay gabadhani ku joogto cunto la’aan muddada 68 ka maalmood ah.
Waalidka dhalay gabadhan ayaa sheegay inay iyadu go’aaansatay inay soonto muddadaasi, waxaanay sheegeen inay ahayd muddadii soonkooda oo ay diintoodu sidaa dhigayso, dalka Hindiya ayaa ah dal Diimo fara badan lagaga dhaqmo, balse xaqiiqada ka danbaysa arrintan ayaa waxa ilaa hadda ku daba jira ciidanka amaanka ee gobolka Haydarabaad.
Labada waalid ee dhalay gabadhan yar oo la kala yidhaa Lakismi Tishand iyo Maanshi Samdariya ayaa sheegay inay gabadhoodu ka codsatay inay soonto, islamarkaana ay u ogolaadeen maadaama oo ay tahay arrin ay diintoodu farayso, labadan waalid oo iyagu ganacsato ah ayaanay jirin sabab ku kalifaysa in iyaga oo haysta hanti ay u diidaan ilmahii ay dhaleen waxa uu cuno.