Shanta Kooxood Ee Ugu Gool-Ku-laadka (Rigoodhe-yaasha) Badan Horyaalka Premier League-ga
Hargaysa 12.October 2016 (SDN/QJ):-Tartanka horyaalka waddanka Ingiriiska ee Premier League-ga oo ah kan ugu kulul marka loo fiiriyo Horyaalada kale ee ka jira qaarada Yurub.
Horyaalka England waxaa ka dhaca qalad badan oo ay isu gaystaan Xiddigaha ka xamaasha Horyaalkaas, hase ahaatee taas waxaa bar bar socota gannaaxyo lagu qaado Ciyaariyahanada oo ay faa’iido u tahay Kooxaha kale ee kasoo hor jeeda.
Haddaba, Bal aynu eegno kooxda ugu rikoodhayaasha ama ugu goolku laadka badan tan iyo markii horyaalka England lagu magac daray Premier League-ga, oo ahayd sandkii 1992kii,waxaanay kala yihiin sidan hoos ku xusan;
Liverpool: kooxda Livepool ayaa 140 Rigoodhe (penalties) ayaa loo dhigay tan iyo 1992 oo magacan premier league la bixiyey.
Arsena – kaalinta labaad ayey haysataa, iyadoo 131 rigoodhe (penalties) loo dhigay tan iyo 1992 oo magacan premier league la bixiyey.
Manchester united –123 penalties ayaa loo dhigay tan iyo 1992 oo magacan premier league la bixiyey.
Chelsea: 122 Rigoodhe (penalties) ayaa loo dhigay tan iyo 1992 oo magacan premier league la bixiyey.
Newcastel United:-114 penalties ayaa loo dhigay tan iyo 1992 oo magacan premier league la bixiyey.