Qodobadii Quruxda Badnaa ee Ay Ku Heshiiyeen Isbaheysiga Dimuqraadiyad Doonka Ah Ee Kulmiye Iyo Xisbiga Waddani Iyo Sida Loo Fulin karo oo Su’aali hortaal
Hargaysa 12.October 2016 (SDN/QJ):- Garabkii Isbaheysiga Dimuqraadiyad doonka ah ee Kulmiye oo sida rasmiga ah ugu biiray Xisbiga Waddani ayaa ku heshiiyey 15qodob oo koobsanaya mabaadiida guud ee labada dhinac isla qaateen.
Qodobada heshiiska dhexmaray Garabka isbahaysiga dimuqraadiyad doonka ahaa ee Kulmiye iyo Xisbiga Waddani oo ka kooban 15 Qodob ayaa Af-hayeenka Garabka isbaheysiga dimuqraadiyad doonka Kulmiye Xuseen Axmed Caydiid uu ka akhriyey xafladii loo sameeyey ku biirista Xisbiga Waddani ayaa waxay u dhignaayeen sidan:-
- Ilaalinta iyo ku dhaqanka Shareecadda islaamka, Dastuurka, shuruucda kale ee dalka iyo xeerarka Xisbiga iyo ilaalinta Qaranimada Somaliland.
- Ka badbaadinta dalka hogaan xumo ay sababto kala marroorsi iyo kali-talisnimo u horseedi kara dalkan iyo dadkiisaba dib-u-dhac iyo burbur.
- Dhisida nidaam dawladeed oo ka caagan Musuqmaasuq, Qabyaalad Iyo Maamul xumo oo lagu xaqiijiyo wada tashi, wax wada qabsi iyo caddaalad, si loo gaadhsiiyo ummadda Somaliland himilada ay muddada dheer hiigsanaysay, sida Qaranimo buuxda, Amni, Horumar iyo Caddaalad.
- Xaq dhawrida wada lahaanshaha Xisbiga iyo ka wada tashiga arrimihiisa iyada oo la dhawrayo xeerarka Xisbiga, Awoodaha Waaxyaha kala duwan ee is miisaamaya ee uu ka kooban yahay Xisbigu.
- Ku dhaqanka Mabaadiida wada tashiga, Maamul wanaaga, Dhawrista Awoodaha Sharci dejinta, Garsoorka iyo Fulinta, kuwaas oo ku salaysan nidaamka Dimuqraadiyada ee aan ka hor imanayn Shareecada Islaamka iyo dhaqankeena Suuban.
- Ilaalinta hantida Qaranka nooc kasta oo ay tahay iyo awood siinta hay’adaha u xil saaran ilaalintooda, si loola xisaabtamo cid kasta oo ku tasarufta sifo aan aheyn, loona xaqiijiyo xakamaynta ku takrifalkooda.
- Kobcinta iyo Horumarinta Xisbiyada Qaranka iyo ka ilaalinta faro galin kasta oo carqaladeyn karta koritaankooda si uu dalku uga gudbo nidaamka qabaliga ah.
- Dhawrista xilliyada doorashooyinka ee shuruucda dalku mudaysay iyo qabyo tirka arrin kasta oo sababi karta dib u dhacooda, iyada oo ay reeban tahay korodhsiimo ku timaada damac siyaasadeed oo ku dhisan kursi jaceyl.
- Dhawrista Xuquuqda Aasaasiga ah iyo xoriyaatka lama taabtaanka ah ee qofka ee Dastuurku jideeyey iyo horumarinta hay’adaha u adeegaya.
- Horumarinta Saxaafada iyo dhawrista xoriyadeeda iyadoo wax ka qabashada gefafka lagu galo saxaafada loo raaci doono nidaamka habka madaniga ah iyo xeerarka Saxaafada, wixii qabyo ka ah Xeerarkaasina la qabyo tiri doono.
- Dib-u-habaynta hay’adaha Xukuumadda sida Wasaaradaha iyo Hay’ada madaxa bannaan oo lagu salaynayo baahida Qaranka, tashiilida dhaqaalaha dalka iyo inay noqdaan kuwo si dhab ah ugu habaysan u adeegida Bulshada.
- Horumarinta madax bannaanida hay’ada Garsoorka iyo hay’adaha dawladda ee madaxa bannaan, si adeegyada ay bixinayaan u noqdaan kuwo tayo leh, kuna salaysan Caddaalad.
- Dardargalinta Maamul fidinta, Maamul daadajinta, kala xadaynta Maamul ahaaneed ee Gobollada iyo Degmooyinka, xaqiijinta Caddaalad u qeybinta Midhaha Dawladnimo, Saami qaybsiga Baarlamaanka iyo Tixgalinta Tabashooyinka Gobollada Sool, Sanaag barri iyo Buuhoodle.
- Iyadoo laga duulayo tabashooyinkii is daba jooga ahaa iyo qabyada ka muuqata Dastuurka Dalka, in la furo Dastuurka, laguna sameeyo wax ka bedel iyo kaabis.
- Ka qayb qaadashada Adkeynta Nabadgelyada iyo Xasiloonida Gobolka iyo horumarinta Xidhiidhka caalamiga ah ee ay Somaliland la leedahay Dalalka Jaarka ah, kuwa Caalamka, Hay’adaha Qaramada midoobay, Ururada Caalamiga iyo ka fogaanshaha wax kasta oo xidhiidhkaa wax u dhimi kara.
Intaasi ka dibna Xuseen Axmed Caydiid waxa uu sheegay in shan iyo tobankaasi qodob lagu soo koobay mabaadiida guud ee Garabkii Isbaheysiga Dimuqraadiyad doonka ahaa ee Xisbiga Kulmiye uu kula midoobayo Xisbiga Waddani.
Ugu danbeyntiina, qodobada Heshiiskaasi waxa si wada jir ah ay u wada saxeexay Guddoomiyaha Xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) iyo Maxamed Biixi Yoonis.
Dhinaca Kale inkasta oo qodobadani ay Yihiin Mabaa’dii hadana waa Waxyaabaha Siyaasiyiintu ku hantaan Quluubta Shacabka balse Marka ay Xukunka qabtaan ku adkaada Fulintoodu.