Bilowga Mashruuca Dib u Habaynta Shaqaalaha Dawlada Somaliland Iyo Soo Xulista Xubnihii ka Hawl galayay DAAWO
Hargaysa 12.October 2016 (SDN/QJ):- Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Dawladda Somaliland Sharmaarke Axmed Muxumed, ayaa sheegay inay Tallaabo horumar ah u qaadeen Nidaamka Shaqaalaha iyo Shaqaaleynta.
Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Dawladda Somaliland iyo Saraakiisha Hay’adda Shaqaalaha Dawladda oo si wada jir ah uga hadlayey gebogabada Imtixaan lagu qaadanayey Shan Qof oo ka hawl-gelaya Mashruuca dib-u-habeynta Shaqaalaha Dawladda Somaliland oo Baanka Adduunku kala shaqeynayo Hay’adda Shaqaalaha Dawladda, waxa so codsaday 187 waxa shorti liiska ku soo baxay 35 Qof waxa ku guulaystay Shanta Xubnood ee ku soo baxay Imtixaanka oo ay u fadhiisteen 35 Qof waxa imtixaanka qaaday gudi loo dhaariyey..
Guddoomiye Sharmeerke oo Arrimahan ka hadlay markii uu soo dhejiyey Magacyada Shanta Xubnood ee ku soo baxay Imtixaankaasi, ayaa sheegay in imtixaanka lagu qaadanayey Shanta xubnood loo maray dhowr Wareeg oo lagu kala reebayey Dadka Shaqo-doonka ah.
Guddoomiyaha oo Arrimahaa ka hadlaya ayaa yidhi, “Halkan waxa ku dhegsan (Liiska Dadka Imtixaanka ku soo baxay iyo kuwa hadhay), marxaladaa kala duwan ayuu (Imtixaanku maray) siday u kala heleen Imtixaanka, siday u kala sareeyeen gebogabadii, ii koowaad, kii labaad, kii saddexaad, nidaamkaas oo ku salaysan Aqoontooda wixii ay ku keeneen.”
Guddoomiye Geelle, waxa kale oo uu sheegay, “ILAAHAY Cadaaladda ayuu ina faray ilaalinteeda, intii Bani-aadam ku aaddanaa iyo intii Nidaam ku aaddanayd waanu u qabanay, intii Aqoonta lahayd ayuu ILAAHAY noo xulay, intaas ayaanu dib u soo xirfadeyn doonaa si ay nooga caawiyaan Tayeynta Shaqaalaha Dawladda, si aynu u helo Shaqaale ina siiya Adeegga aynu mudannahay. Maanta waa Maalin aynu Quluubta Dadka soo noolaynayno oo aynu ku noolaynayno in Dalkani Caddaalad yahay.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray, “Dawlad ahaan iyo Qof ahaanba dooni mayno in Dulmi lagu wada socdo. Dooni mayno in Shaqada lagu helo waxaan ahayn Qallin, Xirfadda iyo Aqoonta Qofka, nidaamkaas ayaanu u guntannay. Waxaan u Mahad-celinayaa Saraakiisha Hay’adda Shaqaalaha, intii Imtixaanka qaadday iyo kuwii nala hubiyey.”
Guddoomiye ku-xigeenka Hay’adda Shaqaaaha Dawladda Somaliland Maxamuud Xarbi oo isaguna halkaa ka hadlay, ayaa tilmaamay in Xubnaha Imtixaanka qaadayey lagu dhaariyey Kitaabka Qur’aanka Kariimka ah, si loo adkeeyo ilaalinta Cadaaladda oo meesha looga saaro Qof jeclaysi iyo tuhun.
Mr. Xarbi wuxuu sheegay in intii Imtixaankaasi qaadiddiisa loo fadhiyey iyo intii la saxayey ay goob-joog ka ahaayeen Komiishanka Shaqaalaha ee Hay’adda Shaqaalaha Dawladda, Wasiirro iyo Masuuliyiinta Dugsiga Tababbarka Shaqaalaha ee CSI.