Khilaaf ka Dhex-qarxay Xisbiga WADDANI iyo Siyaasiyiin Qaaddacay ka qaybgalka Shirka Golaha dhexe DAAWO
Hargaysa 12.October 2016 (SDN/QJ):- Khilaaf hor leh, ayaa ka dhex-curtay Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI, waxaana khilaafkaasi si rasmi ah u qarxay shalay, ka dib markii ay Siyaasiyiin iyo Xubno ka tirsanaa Xisbigaas shaaca ka qaadeen inay qaaddeceen ka qaybgalka Shirka golaha dhexe ee Xisbigaas oo toddobaadka dambe lagu wado inuu ku qabsoomo magaalada Hargeysa sida hore loogu muddeeyey.
Xubnahan oo ay ka mid yihiin Hinda Jaamac Xirsi, Guddoomiye ku-xigeenkii hore ee Guddiga doorashooyinka Somaliland Cali-Kubbado iyo Xubno kale, waxaanay sheegeen inay ka biyo-diideen waxyaabo aan sharci ahayn iyo dimuquraadiyad la’aan iyo weliba wada-tashi la’aan uu ku kacay Hoggaanka Xisbigaas, isla markaana ay ka soo horjeedaan ku dhaqan la’aanta Shuruucda dalka iyo Xeerarka Xisbiga, isla markaana dhaqankiisu noqday kii ay uga yimaaddeen KULMIYE oo kale oo ay ugu yeedheen Qori-isu-dhiib.
Waxay Xubnahani la baxeen Magaca ah Garabka Toosinta dimuquraadiyadda Xisbiga WADDANI, waxaanay sheegeen inaanay ka bixin Waddani, hase-yeeshee, ay diiddan yihhiin qori-isu-dhiibka, madax-taabashada iyo ku dhaqan la’aanta Sharciga dalka iyo Shuruucda Xisbiga iyo in Reero ama Beelo gaar ahi wada yeeshaan Xisbiga oo ay u arkayeen Xisbi Qaran, wakhti badan, dedaal badan iyo Hanti badanina kaga soo baxday.
Waxay Xubnahani sidaas ku sheegeen Kulan ay ku qabteen Hargeysa, isla markaana ugu warrameen Star TV, waxaannannu hadalkooda, Su’aalo la weydiiyey iyo jawaabaha ay ka bixiyeen, idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalkan Hoosee daawasho wacan oo wanaagsan:-