Dhacdo Cusub Waa Macalin haysta Diinta Masiixiga oo Arday Muslimiin ah bara Qur’aanka Kariimka
Qaahira 12.October 2016 (SDN/QJ):- Macalin ka tirsan Qibdhiyiinta wadanka Masar ee heysta diinta Masiixiga ayaa dugsi ku yaalla tuulooyinka fog fog ee dalkaas waxaa uu wax ku baraa arday fara badan oo isugu jira Masiixiyiin iyo Muslimiin.
Ardayda masiixiga ah iyo kuwa muslimiinta ah ayuu sheegay inuu kala baro Bibelka iyo Qur’aanka kariimka ah taasoo uu sheegay inuu awood u leeyahay.
Macalinkan oo la yidhaahdo Ayaad ayaa sheegay inuu wax baro 120 caruur isugu jirta gabdho iyo wiilal, kuwaasoo uu xusay iney u qeybsan yihiin 40 masiixiyiin ah iyo 80 Muslimiin ah.
Macalin Ayaad ayaa waxa kale oo uu sheegay in Tuulada uu joogo ay caan ku tahay rabshadaha Diimeed isla markaana uu isku dayayo sidii uu iskuugu soo dhaweyn lahaa Muslimiinta iyo Masiixiyiinta.
Ayaad ayaa waxa kale oo uu xusay in inkastoo ardayda uu kala baro labo Kitaab haddana aanay ka muuqan wax kala qeybsanaan ah ayna yihiin kuwo isjecel.