Murashax Loolan Kula Jira C.qaadir Jirde Isla markaana Ku Ordaya Qabashada Jagada Gudoomiyaha Xisbiga Waddani oo soo Dhaweeyay Hadal ka Soo Yeedhay C.raxmaan Cirro
Hargaysa 11.October 2016 (SDN/QJ):- Musharaxa u taagan jagada Gudoomiyaha Xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI Aqoonyahan Ibraahin Daahir Dubad ayaa soo dhaweeyey hadalkii uu ku dhawaaway Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI Cabdiraxmaan-Cirro, kaas oo sheegayay inuu Kursiga guddoomiyenimo uga degi doono Beesha degta Gobolka HAWD.
Aqoonyahan Ibraahin waa uu sidaa ku sheegay qoraal uu ku saxeexan-yahay oo xalay soo gaadhsiiyay Xafiiska Shabakada Qurbejoog ee Magaalada Hargeysa.
“Waxaan Ka Kacay Kursigii WADDANI Oo Aan Ku Soo Dhaweynayo Beesha HAWD(ARAB)….” Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI Cabdiraxmaan-Cirro waxa uu sida ku sheegay xafladii doraad lagu soo dhaweynayay Siyaasiyiinta Miisaanka Cuslaa.
Xoghaye Ibraahin Daahir Dubad oo ugu horayn ka hadlaya siyaasiyiinta ku soo biiray xisbiga Waddani ayaa waxa uu yidhi “Marka hore aad ayaan u soo dhawaynayaa sida xisbiga Waddani ay hawlihiisu u socdaan iyo dhamaan siyaasiyiinta ku soo biiraya, taas oo muujinaysa awooda xisbigu ku leeyahay bulshada iyo siyaasiyiinta dalkaba, waxaanan rajaynayaa inay siyaasiyiintaas miisaanka culusi xisbiga ku soo kordhin doonaan wax badan oo horu mar ah.”
Xoghaye Ibraahin Daahir Dubad oo ka hadlaya dareenkiisa la xidhiidha gudoomiye cirro oo sheegay inuu beesha gobolada Hawd iyo Hargeysa ku wareejinayo hogaanka xisbiga ayaa waxa uu yidhi “Gudoomiyaha xisbigu waxa uu ku dhawaaqay in kursiga gudoomiye-nimo ee xisbiga Waddani uu ku wareejin doono beesha gobolka Hawd, arintaas ayaad u soo dhawaynayaa waana go,aan geesinimo ah oo uu qaatay gudoomiyuhu, beesha gobolada Hawd iyo Hargeysa-na wali waxay ku hawlan tahay sidii ay u soo xuli lahaayeen cidii noqon lahayd gudoomiyaha xisbiga taas oo ah mid beesha u taala.”
Hadalkan Aqoonyahan Ibraahim Daahir Dubad ayaa ka danbeeyey, kadib markii uu Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI Cabdiraxmaan-Cirro shaaciyay inuu jagada guddoomiyaha Xisbiga WADDANI uu uga degi doono Beesha Gobolka Hawd, isla markaana uu ku wareejin doono.