|

Midowga Maanta ee Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani & Garabkii Isbedel doonka Dimuquraadiga ah ee Xisbiga Kulmiye Iyo Soo Bandhigida Heshiiskii Hadal haynta badan sababay

Hargaysa 10.October 2016 (SDN/QJ):- Waxaa Saaka ka Furmaya Huteel Maansoor ee Magaalada Hargaysa Xaflad balaadhan oo Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani ugu fooladaynayo ku soo Biirista Xisbigaas ee Xubnihii Garabka Isbedel doonka Dimuquraadiga ah ee Xisbiga Kulmiye Kadib Mudo Sannad ah Markii ay baarashuudka ka goosteen ka sii mid ahaanshaha Xukuumada uu hogaamiyo Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamud Siilaanyo.

Isbahaysiga KulmiyeGarabkan oo ka Cadhooday qaabkii loo Maamulay Shirkii Golaha Dhexe ee Xisbul Xaakimka Kulmiye ee lagu doortay Murashaxa Jagada Madaxweyne iyo Ku Xigeen ee Xisbigaas Waxay Wada hadalo duruufo kala duwan soo maray la fureen Labada Xisbi Mucaarid ee Ucid iyo Waddani iyagoo Intii ugu badnayd uu Wada xaajood Xasaasi ahi u dhexeeyay iyaga iyo Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani ee ay Maanta la Jaalka noqonayaan.

Labada dhinac waxay wada galeen Heshiis Mucdiisa aan la qeexin kaas oo ku qotoma in la wadaago hogaaminta Xisbiga Waddani iyadoo Garabkan loo Hibeeyay Xil iftiimin badan badan u baahan kaas oo lagu kala qaaday Gudoomiyaha Xisbiga iyo Mansab Cusub oo Garabkani qaateen Kaas oo ah Hogaamiyaha Xisbiga Waddani oo loo Cumaamadayo Wasiirkii hore ee Wasaaradda Madaxtooyadda Mudane Xirsi Cali Xaaji Xasan, inkasta oo soo ifbixi Xilkani uu ka dhashay dood Sharci oo ku salaysan Sida la isu waafajinayo Xilka Gudoomiyaha iyo Kan Hogaamiyaha amase awoodaha ay kala yeelanayaan ayaa sidoo kale Waxaa adag in Qaanuun ahaan lagu saleeyo Mansabkan ku Cusub Saaxada Siyaasada Somaliland,Maadaama Dhismaha Qarankani uu ku qotomo nidaamka Madaxweynaha (Presidential System),Dadka aqoonta Sharciga bartayna ay Sheegayaan in Xilkani Waddamada uu ka shaqeeyo ay Yihiin Kuwa ku dhisan Habka Raysal Wasaaraha Tusaale ahaan Nidaamka Dalka Ingiriiska Laakiin aanu ka Shaqayn Karin Somaliland Isla Markaana Xeerarka dalku aanay Sheegayn Hogaamiye Xisbi oo ka gooni ah Gudoomiye Xisbi.

 

Sida ku cad xeerka nidaamka ururada iyo asxaabta siyaasada, hogaan xisbi maaha qof kaliya oo la odhanayo waa hoggaamiyaha xisbiga, hase ahaatee, hogaanka xisbi waxa la isku yidhaahdaa kana koobanyahay Guddoomiyaha, Gudoomiye-kuxigeenka ,Xoghaya Guud iyo ku xigeenadiisa.

Kaasi oo la mid ah nidaamka  xisbiyada Maraykanka sababtoo ah waxay wadaagaan qaab isku mid ah oo hogaamineed kaasi oo ka kooban Hogaan uu guddoominayo Guddoomiye. hannaankan ay wadaagaan waxa sal u ah qaabka is-xukun ee ay isticmaalan labada wadan, labaduba waa hannaanka Madaxtooyada ku dhisan ee leh laba gole oo awood badan oo dheelli tiran.

Sharci yaqaano badan ayaa aaminsan in hadii aan si fiican loo sii axadhin Xilkan Cusub ee Xisbiga Waddani qaatay inuu Mustaqbalka dhow Xisbigaas ku keeni karo Khilaaf dhaxalkiisu aanu wanaagsanayn,Inkasta oo ay Mar walba waajib kaga dhigayso inta Talada Xisbigu ka go’do inay ka ansixiyaan dhamaanba heshiisyada ay galaan Shirweynaha Xisbigaas oo loo asteeyay 19-20 bishan October.

 

Dhanka Kale Waxaa xukuumadda iyo xisbiga KULMIYE, ayaa si weyn u eegaya isbedeladan siyaasadeed ee bilaabmay, oo dadka qaar u arkaan in doorashada ka hor ay wax weyn iska beddeli doonaan miisaanka siyaasadeed ee xisbiyada  waxaana la filayaa in murashaxa ahna guddoomiyaha KULMIYE Muuse Biixi Cabdi iyo xubno kale oo ka mid ah weftiga Madaxweyne Siilaanyo ay Arbacada toddobaadkan oo ah 12 Oktoobar ku soo laabtaan Hargeysa.

Lama garanayo in Muuse Biixi socdaalkiisa u soo gaabiyay isbedelada siyaasadeed ee soo kordhay oo uu safarkiisii Ingiriiska ku soo koobay toban maalmood oo keliya iyo in soo noqoshadiisani aanay ahayn mid ay siyaasadi sababtay ee ay tahay mid hore u qorshaysnayd.

Si kastaba ha ahaate, xiisihii siyaasadeed ee Somaliland waxa ku soo kordhay dha-dhan siyaasadeed oo kulayliyay xaraaradeedii, waxaanu hadda xisbiga Waddani ku jiraa dabaal-deg siyaasadeed oo ay xubnahan ku biiray ku soo kordhiyeen.

Iyada oo la eegayo jawaabta uu xisbiga KULMIIYE ka bixiyo iyo qorsheyaasha siyaasadeed ee uu la yimaado si uu u waajaho isbedeladan siyaasadeed ee soo kordhay.

Comments are closed