”Waxaan taageerayaasha Xisbiga KULMIYE ugu Baaqayaa inay si buuxda isu garab taagaan murrashaxa Madaxweynaha KULMIYE Mudane, Muuse Biixi Cabdi” Madaxweyne Siilaanyo
“Waxaan ahay aasaasihii iyo odaygii guud ee Xisbiga KULMIYE. Waxaan jecelahay in Xisbigaygu ku guuleysto, tartanka doorashada iyo talada dalka mar labaad, si uu halkaa uga sii amba-qaado waxqabadka iyo horumarka aan seeska u dhigay. Sidaa darteed, waxaan dhammaan taageerayaasha Xisbiga KULMIYE, ugu baaqaya inay si buuxda isu garab taagaan, murrashaxa jagada Madaxweynaha xisbiga KULMIYE Mudane, Muuse Biixi Cabdi. Waxaan u arkaa inuu yahay, hoggaamiyihii ku munaasibka ahaa inuu sii wado, hammigaygii siyaasadeed iyo himilooyinkii Xisbiga KULMIYE.
Dhinaca kale, waxaan ahay ruug-caddaa ay u kala soocan tahay, xilka guud ee aan Qaranka u hayo iyo taageerada aan xisbigayga siinayo. Sidaa darteed, waxaan u caddaynayaa murrashaxiinta kale in aan haybadda iyo hantida uu Qaranku wada leeyahay, marna loo adeegsan doonin ololaha doorashooyinka Xisbiga KULMIYE. Mar labaad, waxaan u caddaynayaa in dalka ay ka dhici doonto doorasho xor iyo xalaal ah, taas oo cid waliba ay calafkeeda qaadi doonto, si caddaalad leh.” Sidaa waxa yidhi Madaxweynaha Jamhuuriyadda Md. Axmed Maxamed Siilaanyo oo khudbad dheer u jeediyey shacabka reer Somaliland xalay isagoo ku sugan magaalada London ee carriga Ingiriiska.