Boodhadh ay ku Sawiran Yihiin Murashixiin u Tartamaya Baarlamanka Somalia oo Laga Taagay Magaaladda Laascaanood iyo Aamusnaanta Xukuumada
Laascaanood 08. October 2016 (SDN/QJ):- Gudaha Magaalada Laascaanood ee gobolka Sool ayaa waxa lagu taagay Sawirada Boodhadh ay ku sawiran yihiin Musharaxiinta u taagan ka mid noqoshada Golaha Shacbaka ee Dawlada Somaliya.
Muuqaalada Boodhadhka ayaa waa laga kala taagay Faras magaalada Laascaanood,meesha loo yaqaan Yagoori oo ay ka taagan yihiin Boodhadhka laba xildhibaan iyo Tuulo Qodax oo iyadana ay sadex boodh laga taagay.
Magacyada xildhibaanada halkaasi laga taagay ayaa kala ah.
1-C/wali C/laahi Maxamed
2-Maxamed C/laahi Daahir
3-Jaamac Garaad Maxamed.
Boodhadhkani laga taagay gudaha magaalada laascaanood ayaa waxa aan la ogoyn talaabada ay Somaliland ka qaadi doonto arintani.
Iyada oo ilaa iyo haatan aanu ka hadal badhasaabka Gobolkaasi Mr Ramaax.