Marwada Madaxweyne Xasan Sheekh oo ku Biirtay Ololaha Kaalmee Kuwan oo Gaadhay Muqdisho DAAWO
Muqdisho 08. October 2016 (SDN/QJ):- Haweenayda koowaad ee madaxweynaha Soomaaliya Marwo Qamar Cali Cumar ayaa ku biirtay ololaha khayriga ah ee Kaalmee Kuwan kaasi oo wariye CabdiMaalik Muuse Coldoon Hormood ka yahay.
Wariye Cabdi-Maalik Muuse Coldoon oo isagu markii hore keligii ololahan bilaabay ayaa hadda waxa uu noqonayaa mid ay qayb ka yihiin isaga iyo Marwada Madaxweynaha Soomaaliya Marwo Qamar Cali.
Oloha Kaalmee Kuwan ayaa ah olole horay wax badan loogu qabtay dad badan oo danyar ah oo soomaaliyeed, iyadoo ololahaasi lagu soo bandhigay xaalado kala duwan.
Marwo Qamar ayaa sheegtay inay ku faraxsantahay inay xubin ka noqoto ololaha Kaalmee Kuwan ee uu hormoodka u yahay Wariye Coldoon.