Hay’ada FBI-da Maraykanka oo warbixin ka soo Saartay Nin Soomaali ah oo Weerar Tooray ah ka gaystay magaalada St. Cloud ee gobolka Minnesota
St. Cloud 08. October 2016 (SDN/QJ):- Saraakiisha hey’adda dembi baadhista Maraykanka ee FBI ayaa war ka soo saaray baadhitaan ay ku sameeyeen wiil Soomaali Mareykan ah oo dhowaan weerar toorey ka geystay Suuq ku yaalla magaalada St. Cloud ee gobolka Minnesota.
Daahir Axmed Aadan oo ahaa ninka weerarkan fuliyey ayaa lagu Tilmaamay inuu Xag Jir yahay sida ay sheegeen duqa magaalada St. Cloud, Dave Kleis, Xeer ilaaliyaha magaalada Janelle Kendall iyo madaxa hey’adda FBI-da ee gobolka Rick Thornton Kadib shir jara’aaid oo ay ku qabteen magaalada St. Cloud.
Waxay Sheegeen in la baadhayo taleefanadii iyo qalabkii kale ee uu adeegsan jiray Daahir balse ay aaminsan yihiin wiilkan uu xag jir ahaa, taasna ay u hayaan cadeymo ay ka mid yihiin in markii uu weerarka geysanayay uu dadkii suuqa ku sugnaa qaarkood uu weydiiyay inay Muslim yihiin iyo in kale.
Wiilkan oo 22 sano jir ahaa ayaa toorey ku dhaawacay ilaa iyo 10 qof intii uu socday weerarkan.
Masuuliyiintu waxey sheegeen in askarigii fasaxa ku jiray ee suuqaa ku dhex toogtay ninkii weerarka geystay aan wax dambi ah loo heysan, ka dib markii baadhitaankii ay ku sameeyeen uu muujiyay inuu xaq u lahaa toogashadaas, hadii uusan ninkaas dili laheyna uu geysan lahaa dhibaato intaas ka badan.
Goobta shirka jaraaid lagu qabtay waxaa lagu soo bandhigay Muuqaal Video ah oo ku saabsanaa qaabkii uu weerarkaas u dhacay waxaana duubay kaamirooyinka qarsoon ee CCTV-ga loo yaqaano oo ku dhegenaa suuqa la weeraray.