Wakiilada Beesha caalamka ee Somalia oo digniin ka soo saaray doorashada aqalka sare
Muqdisho 08. October 2016 (SDN/QJ):- Shirar ay yeesheen dhowrkii maalmood ee lasoo dhaafay, ayaa Qaramada Midoobay, Midowga Afrika, Itoobiya, Midowga Yurub, Urur-Goboleedka IGAD, Talyaaniga, Sweden, Boqortooyada Midowday ee Ingiriiska iyo Maraykanka waxay ballan-qaadyo ka heleen hogaamiyeyaasha dowlad goboleedyada xubnaha ka ah federaalka, kuwa jira iyo kuwa samaysmaya, ballanqaadyadaas oo ah in doorashooyinka xubnaha Aqalka Sare ay dhici doonaan marka la gaaro 10ka Oktoobar, iyadoo la raacayo jadwalka doorasho ee dib u habaynta lagu sameeyay ee uu soo saaray GFHDD 26ki September, waxaa kale oo ay ballan-qaadeen in Guddiga Madaxabanaan ee Xallinta Khilaafaadka Doorashooyinka uu hawl geli doono inta aan la gaarin muddadaas kama dambaysta ah.
In hawsha lagu qabto muddooyinkaas kama dambaysta ah waxay aad muhiim usii noqotay kadib markii la haleeli waayay muddadii kama dambaysta ahayd ee marki ugu horreysay loo qabtay soo magacaabista musharaxiinta Aqalka Sare ee ahayd 5tii Oktoobar.
Sharciyadda iyo kalsoonida lagu qabo geedi-socodka doorashada iyo weliba natiijada kasoo baxda waxay ku xiranyihiin daah-furnaanteeda iyo in la hirgeliyo waqtigi loogu talagalay.
“Dhamaan dhinacyada ay arrintu khusayso waa inay hadda sii laba-laabaan dadaalladooda ku aaddan hirgelinta geedi-socodka doorashada oo lagu hirgeliyo waqtigi loogu talagalay ayna noqoto mid daah furan ilaa iyo intii suurto gal ah,” ayuu yiri Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha-Guud ee Qaramada Midoobay u Qaabilsan Soomaaliya, Michael Keating.
“Kalsooni lagu qabo ballan-qaadka Soomaaliya ee geedi-socodka doorashada waxaa lasoo celin karaa haddii la dhowro muddada kama dambaysta ah ee 10ka Oktoobar ee loo qabtay doorashada xubnaha Aqalka Sare iyo in dib u dhac dambe aanu dhicin.” ayuu intaa ku daray keating.