|

Xildhibaanada Golaha Deegaanka Ee Bariga Hargeysa Oo Hadhimo Sharafeed Ku Maamuusay Gudoomiyaha Xisbiga Waddani SAWIRO

Hargaysa 06, October 2016 (SDN/QJ):- Xildhibaanada Golaha Deegaanka ee Bariga Hargeysa ayaa maanta Hadhimi-sharafeed balaadhan ku maamuusay Guoomiyaha Xisbiga Waddani ahna Gudoomiyaha Golaha Wakiilada JSL Md.C/raxmaan Maxamed C/laahi Cirro.

Munaasibadan Hadhimo-sharafeedka ah oo ahayd mid si heer sare ah loo soo agaasimay  isla markaana ka qabsoontay Maamuus Hotel Hargeysa ayaa waxa kasoo qayb galay Haldoorka ,Dhalinyarada iyo Qurbajooga Beesha Bariga Hargeysa oo aan maanta u kala hadhin Casuumadan Xildhibaanadu ku qaabilayeen Gudoomiye Cirro

Ugu horayn waxa madasha hadalo kooban kasoo jeediyey Xildhibaan Maxamed Warsame  Caalin Timacade oo ahaa Xildhibaankii ugu codka badnaa Doorashadii Golaha Deeganka guud ahaan Dalka Somaliland isagoo isla markaasina kasoo baxay Xisbiga Waddani.

Xildhibaan Maxamed Warsame  Caalin Timacade ayaa waxa uu ugu horayn u mahadnaqay Gudoomiye Cirro sida karaamada leh ee uu uga aqbalay qado sharafkoodan ay ku maamuuseen , isagoo isla markaasina xusay  inuu aad ugu faraxsan yahay in ururkii uu kasoo baxay ee Waddani ee uu Aasaaskii markii udubka loo taagaayey uu kaalinta weyn kulahaa codkii ugu badnaa ee Xildhibaan u keenana uu u keenay oo maantana Guud ahaan Somaliland ugu taageero iyo cudud badan ,

Sidoo kale waxa iyana madasha hadalo mahadnaqa kasoo jeediyey Xildhibaan C/laahi Aadan Cali  Cabaas,Xildhibaan C/risaaq Faarax Xasan Qawdhan iyo Xildhibaan C/qani Yuusuf Macalin Gahayr oo dhamaanytood kasoo baxay Xisbiga Waddani iyagoo isla markaasina Gudoomiye Ciro ku hambalyeeyey sida hufan ee uu u hogaamiyey intii uu jiray Xisbiga Waddani taasoo ay sheegeen inay sababtay

Sidoo kale waxa isna madasha hadalo kooban kasoo jeediyey Haldoor C/raxmaan Cartan oo kamida Masuuliyiinta Sarre ee Xisbiga Waddani ee qaarada Yurub oo door weyn kulahaa qabsoomida Munaasibadan qado sharafka ah ,Gudoomiye Cartan ayaa sidoo kale xusay qiimaha ay leedahay munaasibadan oo kale iyo sida loogu baahan yahay in Hogaanka Xisbiga iyo Xildhibaanada kasoo baxay ay isku xidhnaadaan iskana war hayaan

Sidoo kale waxa madasha hadalo kasoojeediyey Gen.C/raxmaan Muxumed Rooble oo ka tirsan Masuuliyiinta firfircoon ee Xisbiga Waddani  isagoo isla markaasina Xildhibaanada Golaha Deegaanka uga mahadnaqay Hadhimo-sharafeedkan ay ku maamuuseen hogaanka Xisbiga

 

Gabagabadii Munaasibadan waxa soo gabagabeeyey  oo madasha hadalo kooban oo mahadnaqa kasoojeediyey Gudoomiyaha Xisbiga Waddani M.C/raxmaan Maxamed C/laahi Cirro isagoo isla markaasina Xildhibaanada munaasibada soo agaasimay uga mahadnaqay Sida milgaha leh ee ay  munasibadan usoo agaasimeen isagoo isla markaasina Xildhibaanada Golaha Deegaanka ee kasoo baxay Xisbiga usoo jeediyey inay dardargaliyaan doorkooda Xisbi isla markaasina hada la joogo waqtigii ay ka shaqayn lahaayeen hawlaha waaweyn Xisbiga ka socda .

ff1 ff2 ff3 ff4

Comments are closed