Shirweynihii Xisbiga Waddani oo Mar Kale Dib loo Dhigayo Mudo aan La Shaacin iyo Xogta Shabakada Qurbejoog
Hargaysa 07.October 2016 (SDN/QJ):- Shirweynihii Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani oo ku Mudaysnaa inuu qabsoomo 10 Bishan aynu ku Gudo Jirno ee October ayaa lagu soo waramayaa in dib loo dhigayo.
Xogo ay Shabakada Qurbejoog ka heshay ilo ka Tirsan Hogaanka Sare ee Xisbiga oo ka Cudur daartay in Magacooda la shaaciyo ayaa Sheegay in Sababta dib u dhigistu Salka ku hayso iyadoo ay isku beegmeen Xiliga la asteeyay in Shirweynaha la qabto iyo Munaasibado lagu Soo dhawaynayo Taageerayaal Wax badan ka bedelaya Saaxada Siyaasadda ee Xisbiga Waddani Kuwaas oo ku soo Biiristooda la qaban doono Maalmaha Sabtida ee Beri iyo Isniinta soo Socota oo Taariikhduna Tahay 8 iyo 10 Bishan October.
Warku wuxuu Intaas ku darayaa in Isbahaysiga Kulmiye ay ka Dalbadeen Hogaanka Sare ee Xisbiga Waddani inay Gobolada iyo Degmooyinka Dalka ku qaban doonaan Xaflado ay ku Shaacinayaan la Midowga Isbahaysiga Dimuquraadi Doonka ah ee Kulmiye Iyo Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani.
Sidaa darteed Hogaanka Sare ee Xisbiga Waddani ayaa Garwaaqsaday in aanay Suurto Gal ahayn in Shirweynihii Xisbigu uu Qabsoomo Taariikhdii Hore loogu asteeyay ayuu Yidhi Mas’uulkani.