|

MASAR: Booliiska Oo Toogasho Ku Dilay Laba Nin Oo Ka Mid Ahaa Ururka Ikhwaanul Muslimiin

Qaahira, 6 October, 2016-(SDN/QJ) – Booliska Dalka Masar, ayaa toogasho ku diley laba Nin oo ay sheegeen in ay ka tirsanayeen Ururka Ikhwaanul Muslimiin oo Dalkaasi laga Mabnuucay.

Labada Nin ee la diley, mid kamid ah ayaa ahaa Maxamed Kamaal, kaas oo kamid ahaa hoggaamiyaasha Uururka Ikhwaanul Muslimiin oo Masar laga mamnuucdey, sida laga soo xiganayo Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Masar.

Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Masar ayaa sheegtey in Maxamed Kamaal uu ahaa hoggaamiyaha garabka hubeysan ee Ikhwaanka, laakiin waxaa diiidey oo beeniyey ururka Ikhwaanul Musliim oo sheegay in aanay lahayn garab hubeysan.

Dilka Kamal iyo ninka kale ee la diley oo lagu magacaabo Yasser Shehata ayaa yimid kadib markii Booliska ay rasaas is-weydaarsadeen, baadhitaan Boolisku ku hayey meel ay ku dhuumanayeen.

Sida ay sheegtey Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Masar labada ninba waxaa horey loogu xukumey xabsi daa’in iyaga oo baxsad ahaa, kadib markii ay hoggaamiyeen koox hubeysan, oo ay weerar ka geystey xarun Boolisku ku lahaayeen Koonfurta Masar.

Comments are closed