|

Maamul Goboleedka Somaliyeed ee Puntland oo Ka Jawaab Celiyey hadal ka soo yeedhay Hogaamiyihii Hore ee Gal Mudug Cabdi-Qeybdiid

Garowe 06, October 2016 (SDN/QJ):- Maamulka Puntland ayaa cambaareeyay hadal dhawaan magaalada Gaalkacyo uu ka jeediyay madaxweynihii hore ee Puntland C/Xasan Cawaale Qeybdiid oo ku saabsanaa duqeyntii ka dhacday duleedka magaalada Gaalkacyo.

cabdi-qaybdiidGuddoomiyaha gobolka Nugaal ee Puntland Cumar Cabdulaahi Faraweyne ayaa sheegay in hadalkii kasoo yeeray Cabdi Qeybdiid 29 kii bishii lasoo dhaafay uu yahay mid ay cambaareynayaan, maadaama sida uu sheegay in ummada Soomaaliyeed iminka aysan dooneyn dagaal iyo dhiig kale oo daata.

Gudoomiyaha Nugaal ayaa sheegay in loo baahan yahay iminka oo la marayo 2016 aan dib loogu laaban dagaaladii sokeeye iyo colaadaha qabaa’ilka ku saleysnaa ee sababay dhimashada iyo barakac dadweynaha Soomaaliyeed.

C/Qeybdiid ayaa dhawaan markii uu tagay magaalada Gaalkacyo wuxuu ku eedeeyay Puntland iney hurineyso colaado iyo xiisada dib kaga dhaca magaalada Gaalkacyo kadib fal celintii duqeyntii magaalada Gaalkacyo.

Gudoomiyaha ayaa sheegay in ay ka xun yihiin hadalkii kasoo baxay Madaxweynihii hore ee maamulka Galmudug ee ku aadana in Puntland ay jawaab ka bixiso ciidankii dhawaan lagu dilay duleedka magaalada Gaalkacyo.

ugu danbeyntii,  Ciidamo Iyo Maleeshiyaad ka soo kala jeeda Puntland iyo Galmudug ayaa marar badan ku dagaalamay gobolka Mudug.

Comments are closed