“Gabdhaha Dhaqankeena Reer Miyiga ku salaysan ayaa Caqabad ku ah” Madaxweyne Xasan Sheekh DAAWO
Muqdisho 05, October 2016 (SDN/QJ):- Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka hadlay Kootada haweenka Soomaaliya laga siiyay siyaasadda dalkaasi, isagoo sheegay madaxweynuhu in kootada 30% ee haweenka la siiyay ay dowladda dhab ka tahay.
Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waxa uu sheegay in kootadaasi aanay jirin meel looga noqdo isla markaana loo baahanyahay in gabdhaha soomaaliyeed ay isku duubnaadaan.
“Gabdhaha doorkoodii la cayimay ee boqolkiiba sodon ayay leeyihiin iyo sida boqolkiiba sodonkaasi ku imaanayso oo la sheegay, dowladda federaalka Soomaaliya in arrintaasi dhab ka tahay oo meel looga noqonayaa iyo meel looga waxaysmaa aanay jirin… arrintaasi siyaasad qaran oo la isla qaatay waaye,” ayuu yidhi Madaxweyne Xasan Sheekh oo intaasi ku daray “waxaan rabaa markaa in gabdhaheena aanay kala tagin oo isku duubnaadaan waana bogaadinayaa kuwa soo doontay kursiga oo raba waxaana leeyahay waad dhiirantihiin ee sii dhiirranaada”
Madaxweynaha Soomaaliya waxa kale oo uu sheegay in gabdhaha Soomaaliyeed aanu jirin qaanuun iyo sharci u diidaaya inay ka qayb qaataan Siyaasadda dalka Soomaaliya, balse waxa uu sheegay in gabdhaha soomaaliyeed uu cabaqad ku yahay dhaqanka Soomaalida oo uu sheegay in uu yahay mid reer miyi ah.
“Gabdhaha qaanuun ma xidhin, sharci kale ma xidhin, dhaqankeena soomaaliga ah oo reer miyiga ku salaysan ayaa gabdhaha caqabad ku ah, dhaqankana qabiil ayaa iska leh, gabdhaheenu markaa haddii qabaa’ilkii ku kala dhex dhumaan oo ay la kala saftaan oo ay la kala waxaysmaan gabdhaha Rolekoodu wuu yaraana.” Ayuu markale yidhi madaxweynaha Soomaaliya.
Dhinaca kale, madaxweynaha Soomaaliya aaya waxa uu sheegay in gabdhaha codaynaya ee codbixinta doorashada dalka Soomaaliya ka qayb-qaadanaysa in aad loo wacyigeliyo.
Ugu dambeyntii, hadalka madadweynaha Soomaaliya ayaa kusoo beegmaya xilli dhawaan hay’adaha culimada Soomaaliya ay ka digtay in gabdhaha Soomaaliya la siiyo Kootada boqolkiiba sodon.