|

Cabdiweli Gaas “Punland ma Aqbali Doonto Doorasho mar kale Dib u dhacda”      

Garowe 05, October 2016 (SDN/QJ):- Madaxweynaha maamul Goboleedka Somaliya ee  Puntland Cabdiweli Maxamed Cali (Gaas) ayaa sheegay  in aanu maamulkiisu markale ogolaan doonin  dib u dhac ku yimaada doorashada dalka Somaliya ka dhacaysa Bisha November ee sanadkan.

 

Cabdiwali-Maxamed-Cali-Gaas-iyo-xasan-sheekh-534x338 (2)Madaxwaynaha Puntland waxaa uu sheegay in dhammaan heshiisyadii ay dhowaan madasha wadatashiga qaranka Somaliya  wada saxeexdeen  ay Puntland sidii lagu  heshiiyey ay uga  hirgeleyaan deegaanada Puntland.

 

Madaxweynaha Puntland ayaa hadalkan Sheegay wakhti Doorashada Somaliya 2jeer ay dib u dhacday

 

Doorashada Somaliya Waxaa la sugaya in maamullada dalkaasi ay  soo gudbiyaan xubnaha uga mid noqonaya labada aqal ee baarlamaanka,laakin illaa hadda ma jiro maamul xubnaha soo gudbiyay.

Comments are closed