“Dawladda Iyo Baarlamaanka Waxaan Leeyahay Waar Magaaladdeenii Baa Lagu Fadhiyaa Magaca Somalia” Maxamed Xaashi DAAWO
Hargaysa 04, October 2016 (SDN/QJ):-Wasiirkii hore ee wasaarada Maaliyada Somaliland Eng Maxamed Xaashi Cilmi ayaa xukuumadda, labada gole qaran iyo saddexda xisbi, iyo sidoo kale bulshada reer Somaliland ugu baaqay inay il gaara u yeeshaan, oo ay ka tashadaan, wax uu ku tilmaamay qawlaysato dalka burburinaysa, oo aayaha dalkani leeyahay meel xun ku ridaya, taas oo uu sheegay inay yihiin hay’addaha ku sugan Somaliland ee Caasimada Hargeysa ku dhex fadhiya magaca Somalia.