“Muuse Wuxu Ku Dhintay Lixdii Goobood, Reer Salal na Isku Doorsan Maayaan Cabdiraxmaan Cirro oo ah Nin Horumar iyo Muuse Biixi oo ah Nin Qabyaaladdeed.”. Guddoomiyaha WADDANI ee Gobalka Salal DAAWO
Hargaysa 04, October 2016 (SDN/QJ):-Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI ee gobalka Salal Md.Farxaan Maxamed Yuusuf, ayaa si adag Xukuumadda KULMIYE ugu dhalliilay in ay dayacday wax ka qabashada baahiyaha kala duwan ee gobalka Salal, isaga oo tilmaamay in Xukuumaddu ay ilowday wax ka qabashada adeegyada Caafimaadka, Waxbarashada iyo Waddooyinka ba, waxaana uu ku dhalliilay Xisbiga KULMIYE in uu yahay xisbi qabyaaladdeed oon dan u ahayn guud ahaan qaranka Somaliland.
Md.Farxaan Maxamed Aadan, waxa uu sida oo kale uu hoosta ka xariiqay in aanay shacabka reer Salal isku doorsanayn Murashax Muuse Biixi iyo guddoomiye Cirro oo uu sheegay in uu Muuse Biixi uu yahay qab-qable qabyaaladdeed oo laga furfuri kari la’ yahay siddii loo kala xadeyn lahaa deegaanada Lixda ah ee muranku ka taagan yahay balse guddoomiye Cirro uu yahay hoggaamiye wax-tar u leh bulshada Somaliland.
Guddoomiyaha gobalka Salal ee WADDANI, waxa kale oo uu carabka ku dhuftay in ay mas’uuliyiin ahaan ay guud ahaan gobalkaas ka siffeeyeen Xisbiga KULMIYE, waxaana uu hoosta ka xarriiqay in shacabka deegaanaddaasi ay u ooman yihiin isbedelka dhabta ah ee uu soo wado Xisbiga WADDANI.