|

Xubno Cali Khaliif Hogaaminaayo Oo Maanta Dubai Ku Wajahan Iyo Bilowga Wada-hadal U Dhaxeeya Xukuumada Iyo Khaatumo

Dubai 02. October 2016 (SDN/QJ):- Xubno uu hogaaminaayo Cali Khaliif isla markaana ah xubnaha kooxda khaatumo u matalaya wada-hadalka xukuumada Somaliland ay la galayaan ayaa lagu wadaa in maanta ay gaadhaan Dubai oo uu ku sugan yahay waftigii Madaxweynaha Somaliland.

Wada-hadal u dhaxeeya Xukuumada Somaliland iyo kooxda Khaatumo oo ay kala hogaaminayaan Madaxweyne Siilaanyo iyo Cali Khaliif oo ah saaxiibo in badan waayo siyaasadeed soo wada maray ayaa la filayaa in uu si ka fool ka fool ah uga bilaabo magaalada Dubai ee imaaraadka Carabta.

Labada dhinac ayaa wada-hadalkii ugu horeeyey ku yeelanaya Dubai kuwaasi oo la filayo in arimo badan oo deegaanada bariga ku saab san ay ka wada hadlaan kuwaasi oo fure u ah nabad ka hana qaada gobolada Sool, Sanaag iyo buuhoodle Oo horumar ahaan ka hadhay gobolada kale.

Cali Khaliif ayaa quus siyaasadeed ka istaagay maamulka xamar ee uu hogaamiyo Xasan Sheekh taasina waxa ay keentay in baraarugaan kooxdii uu horjoogaha ka ahaa ee Cali Khaliif Galaydh.

Madaxweyne Siilaanyo ayaa damacsan in uu xilka ka dego dalka mid ah isla markaana la wada gaadhsiiyey horumar balaadhan salkana ku haya adeegyada aasaasiga ah iyo wadooyinka dalka isku xidha guud ahaan.

Comments are closed