|

Mas Cideedka Wasaarada Duulista Oo Su,Aalo Mixnadaysan Ku Boobay Masuul Ka Tirsan Xukuumada Somaliland

Hargaysa 02. October  2016 (SDN/QJ):- Mascideed lagu soo Barbariyay wasaarada duulista Somaliland ayaa xilligan shaqadii qaranka ka Hayay kaga mashquulay Aflagdaaynta, Hagardaamaynta iyo Xajiimaynta Horumarka xukuuumada Somaliland, xilli ukamid Yahay dawlada Afhayeenka Wasaarada Duulista iyo Hawada Somaliland Ismaaciil Cali Axmed waa masuulka wasaarada duulista Hawada uu qaabilsan dhinaca xidhiidhka Saxaafada iyo dadweynaha, waxaa si Nidaamka,  shuruucda ka baxsan suaalo ula Boobay midkamid ah Masuuliyiinta qaranka Somaliland, isaga xukuumada ku sifeeynaya mid baalmartay shuruucda iyo ujeedoyinka loo doortay.

Waxaana uu sheegay in xukuumada Somaliland tahlikariweyday inay dib udhisi ku samayaso Wershada sibidhka ee Magaalada berbera, waxaana uu sidoo kale Xukuumada Somaliland ku sifeeyay mid dhirigelisa Xukuumadda Somaliland, hadaba Afhayeen waa masuulka wasaarad kasta iyo xarun dawaldeed oo kasta uga Masuula inay ka difaacdo Eedaha uga imanaya qeybaha kala duwan ee bulshada ee isaga oo koru u qadaaya xidhiidhka dhinaca dadweynaha iyo goobta shaqo, balse Ismaaciil oo ah Afhayeenka Wasaarada duulista Somaliland waxaa uu baalmaray hanaankii shaqo ee Wasaaradiisa, isaga ah shaqaale dawladeed, waxaana Su,aalaha nidaam darada ee uweydiiyay mid kamid Masuuliyiinta qaranka, waa kuwan suaalaha uu Afhayeenka Wasaaradu ku Ganaay masuuliyiinta qaranka waxaa kamid ah sidan ‘’ Xukuumada Misaaniyadeeda waa 300 oo Milyan sida wasiirka arrimaha dibedu dhawaan sheegay maxay xukuumadu kaga celisa deegaanka, waad Ogtihiin wershada sibidhka oo 20milyana oo intaas oo qof ka shaqo geli lahayeen ayaa ufadhiida Lacag yar oo intaasa, sidoo kale waxaan qabaa Qaadka Xukuumadii ayaa dhiirigeli usamaynaysaa, shuruucdibu jebinaya, wadooyinkubu jidhaaya, Taraafikadii ayuu Jidhaaya, marka Xukuumada ayaa qaadkii dhiirigelin uu Samaynaysaa, Halkiii Laga Maarmi lahaa, maxaa yeelay xukuumada dhaqaale ayaa kasoo galayaa, Marka Waxaan qabaa maxay xukuumadu shuruuc ugu  samaynweyday waxyaabaha mukhadaaraka ee Dadka wakhtiga ka luminayaa, ‘’ ayuu yidhi Afhayeenka Wasaarada Duulista Hawada Somaliland Ismaaciil Cali Axmed

Inkastee oo Aragtiida qofku yahay waxyaabo daruuriya hadaana waxaa nasiib darro ah inay nidaamka shaqo ee Laamaha dawalada caqabad ku noqdaan shaqaalaha dawladu,Afhayeenka Wasaarada Duulista waxaa Gabi ahaanba weerar ku qadaay hanaanka shaqo ee wasaaradiisa,iyo Laamaha Dawaladu, waana Diyaaradi Hargeysa ka kaacde hadaana Hargeysa Ruusheysay.

Comments are closed