|

Qoraalo Hanjabaad Ah Oo Ay Iswaydaarsadeen Maayarka Hargeysa Iyo Maayirka Daarasalaam + Muran Dhinaca Xuduuda Ah Oo Ka Dhex Aloosmay

Hargaysa 02. October  2016 (SDN/QJ):- Wargeyska Foore ayaa helay Qoraalo Dacwado ah oo ku saabsan Muran dhinaca Xuduuda Dhulka ah oo ay iswadaarsadeen Maayarka Caasimada Hargeysa Cabdiraxman Maxamuud Caydiid(Soltelco) iyo Maayarka Degmada Daarasalaam ee Woqooyiga Magaaladda Hargeysa oo ka tirsan Gobol Maroodi Jeex Ciise Muuse Axmed,kuwaasi oo Qoraaladooda ku hagaajiyay Badhasaabka Gobolka Maroodi jeex Maxamuud Ismaaciil Cilmi (Deeq),Waxa uu mid waliba dhinaciisa ku sheegtay farogalin Degmadiisa kaga timid Degmada Kale,waxaana sida muuqata Qoraalka Dacwada ah ku horeeyay Maayar Soltelco,Waxaana isna Qoraal Jawaab ah oo faah faahsan ka daba Qoray Maayarka Degmada Daaarasalaam Mr Ciise Muuse.

dddd-1Maayarka Golaha Deegaanka Hargeysa,Ahna Duqa Magaaladda Hargeysa Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid (Soltelco) ayaa ku horeeyay Qoraalka, islamarkaana qoraal dacwad ah u gudbiyay Badhasaabka Gobolka Maroodi jeex taasi oo uu kaga dacwooday inay Masuuliyiinta Degmadda Daarasalaam soo farogaliyeen Dhul ay maamusho Degmada Hargeysi,Waxa kale oo uu qoraalkiisa ku sheegay inay Masuuliyiinta Degmadaasi Cashuur ka urursadeen Dhul uu isagu maamulo,isagoo dhinaca kale ku eedeeyey inay sameeyeen Gaf sharci oo aanu sharciga Ismaamulka Gobolada iyo Degmooyinku u ogolayn Daarasalaam inay ururiyaan Cashuur dhul,balse waxa arintaasi isaguna ka jawaabay oo ganafka ku dhuftay Gudoomiyaha Degmada Daarasalaam Ciise Muuse Axmed,kaasi oo ku tilmaamay inaanu Maayar Soltelco waxba ka aqoonin Xuduudaha Degmada uu madaxa ka yahay ee Hargeysa,waxa kale oo uu sheegay inaanu Soltelco sidoo kale akhriyin Xeerka Ismaamulka Gobolada Iyo Degmooyinka Somaliland,isagoo Sidoo kalena ku eedeeyay inuu Qoraalka uu u gudbiyay Badhasaabka uu Khalday Derejada Degmada Daarasalaam iyo Xeerka uu adeegsaday oo ah Xeer No:23/ 2002, oo Laga Guuray oo uu ka dambeeyay Xeer No:23/2007.

Qoraalka Dacwada ah ee uu Maayar Soltelco u Gudbiyay Badhasaabka Gobolka Maroodi Jeex ayaa u dhignaa sidan“Waxaa jirta in Degmada Daarasalaam ay samaysay Muran Dhinaca Xuduuda ah,Iyadoo Cashuuro Qaadaysa,Taasi oo Degmooyinka Derejada “B” aanay xaq ulahayn inay qaadaan Cashuur Dhul,Sida uu tilmaamayo Xeer No:23/2002,Waxay Daarasalaam Soo gaadhay oo ay cashuur ka qaadaysaa Beerta Xashi Bacado,Waana Xad-Gudub Ay Soo Farogalisay Degmada Hargeysa,Sidaa Darteed,Mudane Gudoomiye “Badhasaabka Hargeysa” Waxaanu Si Xushmad Leh kaaga codsanaynaa inaad Waxa ka Qabato Arintaasi”.

Dhinaca kale Qoraalka uu Maayirka Daarasalaam Mr Ciise Muuse Axmed ugu Jawaabay Maayar Soltelco,oo aad u dheeraa, islamarkaana uu kaga hadlay Dhamaan Xuduudaha Daarasalaam iyo Tirada Tuulooyinka ay maamusho ee uu u gudbiyay Badhasaabka Gobolka Maroodi Jeex ayaa Waxa ka mid ahaa oo uu si gaar ah ugu duray Maayar Soltelco, Qoraalkan, waxaanu yidhi “Mudan Gudoomiye “Badhasaabka Maroodi Jeex”,Hadaan Jawaab Cad ka bixino Qoraalka uu ku soo gudbiyay Maayarka Hargeysa,Waxa Uu Maayar Soltelco,gabi-ahaanba Qalday ama ay Aqoon daro ka keentay in Deg. Daarsalaam tahay Derejada “B”,Laakiin Ay Tahay Derejada “D”,Waxa kale oo uu sheegay in aanay Xaq ulahayn inay qaado Cashuur isagoo Cuskanaya Xeer No:23/2002, Isagoon ogayn,Islamarkaana la socon Maayarka Caasimadu inuu ka dambeeyay Xeer No:23/2007,kaasi oo Xaq u siinaya Degmooyinka Derejada “D” inay qaadaan Cashuur Dhul,islamarkaana faah faahin ka bixinaya,Qaybta Maamulka iyo Cashuuraha,qaybta Dhulka iyo Adeegyada Arimaha Bulshada. Waxa muuqata inaanu Maayarku Aqoon u lahayn Degmooyinka Soohdimaha la leh Caasimada uu maamulo iyo Tuulooyinka ku hareeraysan,oo uu kala saari waayay Tuulada Bacado iyo Beerta Xaashi Bacado”.

Lama garankaro Wakhtiga uu Badhasaabka Gobolka Maroodi Jeex go’aan ka soo saarayo Labadaasi qoraal oo hadda horyaala iyo doorka uu ka ciyaari doono Khilaafka ka dhex aloosmay Xuudadaha Maayarada Degmooyinka Hargeysa iyo Daarasalaam.

Comments are closed