Afrika Oo China Uga Dhaaratay Dhoofinta Dameeraha Oo Hilibkooda Laga Jecel Yahay
Hargaysa 02. October 2016 (SDN/QJ):- Qaar ka mid ah wadamada Afrika ayaa mamnuucay inay Shiinaha ka iibiyaan dameerradooda, iyagoo leh baahida loo qabo xayawaanka afar lugoodka ayaa badatay.
Niger ayaa ku dhawaaqay mamnuucista dhoofinta dameerraha bishan ka dib markii ganacsiga xoolaha uu saddex jeer kordhay sannadkii la soo dhaafay, inta badan dalalka Asia.
Burkina Faso ayaa sidoo kale joojisay dhoofinta haraga dameeraha, kuwaas oo la kariyo si loo soo saaro gelatin, qayb muhiim ah ee daawaynta dhaqanka Shiinaha – taasoo ay rumeysan yihiin inuu hagaajiyo wareegga dhiigga iyo inuu daaweeyo xaaladaha ay ku jiraan madax xanuunka wareerka , caadada aan caadi ahayn iyo hurdo la’aanta.
baahida in la kordhiyo dalabka harkaha dameeraha ayaa sabab u ah hoos u dhac weyn oo ku yimid dameeraha ee dalka Shiinaha.
Tirada Dameeraha ee Shiinaha ayaa 11 million hoos uga dhacay ilaa lix milyan tan iyo 1990-, sida laga soo xigtay CNN.