Fasaxa Shaqaale Waynaha JSL ee ku aadan Curashada Maalinta Sannadka Cusub ee tirsiga taariikhda Islaamka DAAWO
Hargaysa 01, October, 2016-(SDN/QJ):-Hay’adda shaqaalaha dawlada ee JSL ayaa shaacisay in shaqaalaha dawladu fasax ka yihiin shaqooyinka maalinta berrito ee Axadda xuska munaasabada sanadka cusub ee islaamka awgeed.
Maalinta berri ah”Axad” ayaa ku beegan bilowga Sanadka Cusub ee Islaamka “1438” oo ah tirsi laga soo taxay maalintii Nabigeenii Muxamed S.C.W uu kasoo socdaalay “Hijrooday” magaalada karaamaysan “Makka-Almukarama” kadib markii dhib badan kasoo gaadhay gaaladii wakhtigaas ku noolayd isla markaana u soo hayaamay Magaalada Iftiinka u saxiibka ah ee “Madiina Al-munawara” halkaas oo uu soo dhawayn dadnimo iyo hiil diineed-ba kala kulmay
-Haddaba, Munaasbada Curashada Sannadka cusub ee Islaamka darteed waxaan halkan ku wargalinayaa Shaqaale waynaha JSL ee ka hawl gala Wasaaradaha iyo Hay’ada dawliga ahba in ay maalinta barri ah fasax ka yihiin shaqadii ay qaranka u hayeen iyagoo shaqada ka maqnaan doona maalinta berri ah “Axada” oo kaliya