|

Hargaysa: Nin Sannado ka Hor laga Helay Xannuunka Kansarka oo Markii uu Qabtay Shaqo alle loogu dhawaanayo Lix Bilood Gudahood lagaga Waayay Xannuunkii Kansarka iyo La Yaabka Dhacay

Hargaysa 01, October, 2016-(SDN/QJ):-Xaaji Ibraahin Xasan Axmed (Libaaxo) Wuxuu Yahay Gudoomiyaha Jimciyad Dayac Tirta Kitaabka Qur’aanka Kariimka ah, Taas oo Xil balaadhan iska Saartay sidii loo Ilaalin lahaa Kutubka Qur’aanka Kariimka ah Isla markaana ay ka hawl galaan Hadii uu u baahdo Wax Dayac Tir ah.

ninkii-kansarka-laga-waayayXaaji Ibraahin Xasan Axmed (Libaaxo) ayaa Markii Kowaad Waxa uu si Faahfaahsan uga hadlay Sooyaalkiisii Nololeed, Marxaladihii uu soo maray iyo arrimo kale duwan oo uu ku Muujiyey Waxyaabihii uu Bulshada dhexdeeda ka soo qabtay.

Xaaji Ibraahin Xasan Axmed (Libaaxo) Wuxuu ka mid yahay ah Shakhsiyaadka loo soo Xushay inay ka Mid yihiin Haldoorka Saamaynta ku dhex leh Bulshadiisa Isagoo arrimahan iyo Kuwo kaleba kaga Warbixiyey Waraysi Dhinacyo badan leh oo uu Siiyay Barnaamijka Ku Dayo Muwaadinka dantaadda Guud Wax weyn ka soo qabtay Rubuc qarnigii tegay Kaas oo uu soo agaasimay Aqoonyahan Rashiid Sulub Caalim.

Ugu horayn Xaaji Ibraahin Xasan ayaa la weydiiyey Halkii uu ku dhashay, Sannadkii  uu dhashay ‘’Waxaan Ku dhashay Hargaysa Dhawr iyo Afartankii,Waxaan galay Dugsiga Sheekh Baraawe,Sidoo kale Waxaan galay Iskuulka loo yaqaan Sheekh Bashiir Waxaan ka mid ahaa Ardaydii gashay Dugsiga Axmed Guray, Mudo dheer Ayaan ahaa Qurbejoog,Waxaan tegay Dalka Sucuudiga oo dhaqaale fiican aan ka helay’’

Xaaji Ibraahin Xasan Axmed (Libaaxo) Wuxuu ka sheekeeyay Sababihii ku ajburay inuu aasaaso Jimciyada Dayactirka Qur’aanka Kariimka ah Waxaanu Yidhi ‘’Markii aan Dalka Imanayay Waxaa la Igu Yidhi Waxaa kugu dhacay Xannuunka Kansarka,Waxaan markaa is idhi mar hadii Kansar Kugu Dhacay Hargaysa ku dhimo,Waxyaabaha Mucjisada leh ee I soo maray Waxaa ka mid ahaa in Lixdii Bilood ee Bilawga hawshaas aan isku arkay in la iga waayay Xannuunkii la igu sheegay ee Kansarka Taas oo la yaab iyo af kala qaad ku noqotay Dhakhaatiirtii aan Xidhiidhka la lahaa, Waana arrin eebbe ii qoray,Markaan u soo noqdo Su’aashaas Waxaan Masaajidada ka Guri jiray Kutubta Jeex Jeexanta,Markii aan Todoba Gadbadood uruuriyey Ayaan Naasa hablood ku asturay dadkii Way nala Yaabeen Qur’aankan la Aasayo, Waxaa Hawshaas igu Gacan siiyey dad aad u badan,Sannadkiiba laba goor Ayaan aasnaa’’

Ibraahin Libaaxo Wuxuu ka hadlay Meelaha ay ku dayacan yihiin Kitaabka Qur’aanka Kariimka waxaanu yidhi ‘’Madaariska Qur’aanku Waa Meelaha uu ugu dayac badan yahay,Masaajidadu Sidoo Kale iyo ta sadexaad oo ah Guryaha amase Xaafadaha,Waxaa Hawshaas aanu ku qabanaa Gaadhi uu noo iibiyey Wasiirkii hore ee Madaxtooyada Xirsi Cali Xaaji Xasan’’

Xaajigu Wuxuu ka hadlay Siyaabaha ay Wax uga qabtaan Kitaabka Qur’aanka Kariimka ah,Waxyaabaha u Suurto galay ‘’ Waxaan ku Samaynaa In Galka laga bedelo Kutubka Isla markaana la hagaajiyo Wixii Ka Jeex Jeexma,Qaar ka mid ah Gobolada Waanu ka fulinaa Gobolada dalka siiba Kuwa ku dhow dhow Gobolka Hargaysa,Waxaan ka xumahay in Baabuurta Khasinka gura ay dadku raaciyaan Kitaabkii ka Jeexjeexma,Waxaa na Caawiya Raga Gaadiidkaas wada oo kala saara Wixii Qur’aan ah,Sidaa darteed Waxaan dadweynaha u sheegaya inay ka Taxadiraan arrintaas,Waxaan Xitaa ka soo Uruuriyaa Goobaha Qashin qubka’’

Xaaji Ibraahin Xasan Axmed (Libaaxo) Waxaa kale oo uu ka hadlay Wixii u suurto galay Wakhtigii ay Hawshan ku Jireen ‘’Mudadii aan Hawshan ku Jirnay Waxaanu aasnay 3700 oo Gadbadood kuwaas oo aanu ku Xabaalnay Xabaalaha Xeedho iyo Naasa Hablood,Waxaana Qorshahayagu yahay inaanu Gobolada gaadhno oo Hawlgalkan ka soo fulino’’

Comments are closed