|

Laascaanood: Hooyo Booliiska La Socod-siiyey In Wiilkeedu Khamri Ka Ganacsanayo Iyo Xukun Lagu Riday Isaga Iyo Ninkii Ay Wada Lahaayeen

Laascaanood 01, October, 2016-(SDN/QJ):-Maxkamadda Gobolka Sool ee fadhigeedu yahay Magaalada Laascaanood, ayaa Xukun Adag ku ridday laba eedaysane oo lagu qabtay Maandooriyaha loo yaqaanno Khamriga.

khamriLabada dambiile, ayaa lagu xukumay min Saddex Sannadood oo xadhig ah, waxaana meel fagaare ah lagu jajabiyey ilaa Afartan Litir oo Khamri ah, kuwaasi oo ah Khamriga lagu qabtay Labada Nin ee Min Saddexda Sannadoo ee Xadhigga ah lagu xukumay.

Guddoomiyaha Maxkamadda ku xukuntay Raggan lagu qabtay Khamriga oo ka hadlay Goobtii lagu burburiyey Quraaradaha uu ku jiray Maandooriyahani, ayaa Dadweynaha ka codsaday inay Booliiska la socodsiiyaan Cid kasta oo ay ku arkaan iyagoo sita Khamriga iyo noocyada kale ee Maandooriyaha.

Xeer ilaaliyaha Gobolka Sool, oo isaguna halkaa ka hadlay ayaa sheegay, “Waxa Nasiib-wanaag ah in Hooyo dhashay Ninka Khamrigan keenay inay iyadu Ciidanka Booliiska u timaaddo oo ay ku tidhaahdo Inankaygii Khamri buu keenay oo Guriga ayuu yaallaa.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray, “Waxaan soo jeedinayaa Ganaaxa lagu ganaaxo Dadka Khamriga keena ee Qasnadda Dawladda lagu shubayo, in lagu dhiiri-geliyo Ciidanka Booliska.”

Comments are closed