|

Mid ka Mid ah Dawladaha Faragelinta Baaxada Leh ku Haya Siyaasada Somalia oo Muujisay Sida ay u Diidan Tahay Murashaxnimada Madaxweyne ee Siyaasi Maxamed C.laahi Farmaajo

Muqdisho 01, October, 2016-(SDN/QJ):-Dowladda Uganda oo kamid ah dowladaha ay ciidanka ka joogaan Soomaaliya ayaa hadda waxaa lasoo sheegayaa iney aad ugu ololeynayso in Maxamed C/laahi Farmaajo aanu noqon madaxweynaha Soomaaliya ee soo socda.

maxamed-cabdillaahi-farmaajoSaraakiil Uganda ka socda oo yimid Muqdisho ayaa billaabay qorsheyaal lagu niyad jabinayo Farmaajo si aanu u noqon madaxweyne sidoo kalena uga tanaaslo musharraxnimadiisa.

Sidoo  kale saraakiishan oo kulan la yeeshay mas’uuliyiinta DFS ayaa isku dayaya in Farmaajo laga hor istaago madaxweyne inuu noqdo,  iyadoo hagardaamadaasi siyaabo kala duwan loo fasiranayo.

Uganda waxay ka baqeysaa haddii uu Farmaajo Madaxweyne noqdo in ciidankooda shaqo la’aan ku dhacdo maadaama Farmaajo dhisayo ciidanka xoogga dalka oo awood badan.

Farmaajo ayaa Xiligii uu ahaa Raysal Wasaaraha Dawladii Sheekh Shariif Wuxuu si Cad u diiday Qorshayaal ay Gadhwadeen ka ahayd dawlada Uganda oo Ciidamo badani ka joogaan Dalka Somalia kuwaas oo qayb ka ah Hawlgalka Nabad ilaalinta Amisom Waxaanu dalbaday inay Mushahar Fiican u qoraan Ciidanka Xooga dalka Somalia si ay Somalia u hanato ilaalinta Nabadgalyadeeda.

Uganda ayaa ahayd dowladdii kaliya ee cadaadiska ku saartay Farmaajo inuu xilka ka dego kadib markii ay sheegtay in ciidankeeda oo xilligaa amnigiisa sugi jiray ay kala laaban doonto.

Comments are closed