Madaxweyne Gaaska Punt land oo Xaruntiisa Madaxtooyada Ugu Goleeyay Isimo Reer Punt land ah iyo Raysal Wasaare Cumar Cabdi Rashiid oo Isu Taagay Murashax Madaxweyne
Garowe 26.Sep 2016 (SDN/QJ):-Madaxweyne Puntland Cabdiweli Maxamad Cali Gaas ayaa issimada Puntland ugu shiriyey xarunta madaxtooyada Garowe Ra’isal wasaarihii hore ee Somalia Cumar Cabdirashid.
Kulankaan oo ay kasoo qayb galeen isimada Puntland intooda ku sugan magaalo madaxda Garowe ayaa wararka kasoo baxaya shegayaan in Ra’isal wasaarihii hore ee Somalia ku waydiisanayey odey dhaqameedkaan sidii xildhibanada ay soo xulaan codka u siin lahaayeen mudane Sharmaake oo ah Musharax u taagan xilka madaxweynaha Somalia.
Ra’isal wasarihii hore ee Somalia oo dhowaan booqasho ku yimid Puntland ayaa ololihiisa doorasho ka bilaabey magaalada Garoowe isagoo kulamo kula qaadanyey madaxtooyada Garowe qabaa’ilada Puntland maalmihii lasoo dhaafey.
Madaxweyne Gaas oo kamid ahaa madaxda maamul goboleed-yada qaybta ka ahaa kulamadii madasha Somalia ayaa waxaa laga sugayaa in dhowaan soo magacaabo xubnaha Barlamanka aqalka sare uga mid noqon lahaa maamulka Puntland.
Magacaabista aqalka sare iyo xulashada in qabaa’ilka lasoo baxaan xubnaha u tartamaya kuraasta aqalka hoose ayaa waxaa ku jira dib u dhac ay ugu talagaleen madaxda maamulada Somalia iyo madaxda dowlada Federaalka waqtigoodii dhamadey.
Kulankaan madaxweyne Gaas ugu qabtey xarunta madaxtooyada Puntland ayaa sidoo kale imaanaya xilli ay soo baxayaan warar sheegaya in madaxda maamulada Somalia iyo kuwa Federaalka waqtigooda dhamaadey kawada shaqeynayaan sidii faragalin loogu sameyn lahaa natiijada kasoo baxeysa xulushada qabaa’ilka xubnaha u matalaya aqalka hoose ee Barlamanka Federaalka ah.
Kulamada madasha qaranka oo ay kawada qayb galayeen maamulada Somalia iyo madaxda dowlada Federaalka hadda waqtigoodii dhamaadey islamarkaana ay kor kala socdeen beesha caalamka ayaa waxaan kasoo bixin gabi ahaanba sharciyo xadidaya tartanka doorashada iyadoo la ilaalinayo in madaxda madasha ka qayb galeysay kuwasoo isugu jirey kuwo musharaxiin ah iyo kuwa dano siyaasadeed leh aysan u saameyn xadgudub iyo ku takri-falid awoodeed.